chan cup 2019: Xulka kubada cagta Somaliya oo guuldaro xanuun badan kala kulamay xulka Uganda,+SAWIRRO.
Xulka kubada cagta Somaliya ayaa guuldaro xanuun badan kala kulmay dhigiisa Uganda,ka dib markii dalka Jabuti ku ciyaareen lugta kowaad isrebrebka koobka Chan cup 2019.
kulankaan oo ahaa mid aad u adag,waxa uu ku bilaawday si xoogan labada xul waxa ay soo bandhigeen kubad aad u qurux badan,marka loo fiiriyo qaabka weeraradooda.
kulankaan wuxuu ku soo dhamaaday 3-1 uu ku badiyay xulka kubada cagta Uganda.
xulka kubada cagta Uganda ayaa goolkii kowaad ee ciyaarta helay daqiiqadii 45-aad dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta waxaa xulka uganda u dhaliyay goolka laacibka lagu magacaabo Patrick Kaddu 45+3 (P.
Qaybtii hore waxaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hogaaminaayo xulka Uganda,markii dib la iskugu soo laabtay xulka Somaliya waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 64-aad,waxaa goolkaa dhaliyay laacibka lagu magacaabo Mustafa Kizza,
Somaliya oo wali raadinayso gool ayaa mar kale laga dhaliyay goolkii sedexaad ee ciyaarta daqiiqadii 83-aad,waxaa xulka Uganda u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Taddeo Lwanga.
Ciyaarta oo dhamaad ku dhow xulka martida loo ahaa ee Somaliya waxa ay heleen goolkii calanka ahaa waxaana goolkaa u dhaliyay laacibka lagu magacaabo Farxaan Duqow.
Ugu dambeentii ciyaarta waxa ay ku soo dhamatay 3-1 uu ku badiyay xulka martifa ahaa ee Uganda bartamaha tobaadkaan xulka Somaliya ,wuxuu marti u noqon doonaa xulka Uganda lugta labaad isrebrebka koobka Chan Cup 2019.