Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Qaar ka mid ah Amaanka ciyaaryahanada kooxda Arsenal oo halis soo wajahday.

Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaan ku jirin kooxda Arsenal kulanka  Premier League ee axada la ciyaareysa Newcastle sababo la xiriira “ah xaalad amaan ,ka dib markii si toos ah loo weeraray.

Labadan ciyaaryahan ayaa ka badbaaday  afduub oo ay sameeyeen kooxo burcad hubaysan ahaa,ayadoo falkaan uu ka dhacay waqooyiga-galbeed London laba usbuuc ka hor.

Arsenal ayaa sheegtay inay la shaqeynayaan booliiska ayna “siinayaan  ciyaartoy iyo qoysaskooda taageero joogta ah”.

Hubinta xaaladaha  ciyaartoydeena iyo qoysaskooda markasta waa ahmiyadeena  koowaad, ayey Arsenal sheegtay warbixin ay soo saartay.

“Waxaan go’aankan qaadnay ka dib markii aan wadahadal la galnay ciyaartoyda iyo wakiiladooda.

Waxaan rajeyneynaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo dhaweyno ciyaartoyga kooxda. ”

Ozil iyo Kolasinac ayaa laga reebay ciyaar saaxibtinimo oo ay la ciyaareen Lyon ,kadib isku daygii afduub , laakiin labadooduba waxay kasoo muuqdeen ciyaartii ugu dambeysay ee kulamadii isku diyaarinta u dambeeyay ay la  ciyaareen Barcelona.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay booliska ayaa baaraya.hada walina warbixin lagama soo saarin

Kadib isku daygii afduubka ee guuldarada, Kolasinac wuxuu bartiisa bulshada soo dhigay sawir isaga iyo Ozil ah wuxuuna intaa raaciyay: “Ka fikir inaan fiicanahay”.

Bayaan ay soo saareen, Booliska Magaalada Metropolitan ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Arsenal isla markaana ay baari doonaan wixii dambi ah ee la soo sheegay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button