Bayern Munich oo deen ku heshay Philippe Coutinho.
Kooxda Bayern Munich ayaa heshiis amaah oo hal xilli ciyaareed ah ku soo qaadatay xiddiga khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ,wax ay heesata fursad kale oo ay ku iibsan karto laacibkaan.
Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in kooxda reer Jarmal ay bixin doonto 8.5m euro (£ 7.78m) si ay amaah ugu qaadato xiddiga reer Brazil oo 27 jir ah halka xulashada iibsigu ay u taagan tahay aduun dhan 120m euros (£ 109.84m).
Bayern ayaa sidoo kale bixin doonta mushaharka Coutinho muddada amaahda.
“Aniga ahaan, isbedelkani wuxuu tartan cusub u yahay waddan cusub oo ka mid ah naadiyada ugu fiican Yurub,” ayuu yidhi.
Waxaan xaqiiqdii sugaayaa tan. Waxaan heystaa hadafyo waa weyn, sida Bayern, waana hubaa inaan sidaas ku sameyn karo asxaabteyda cusub ee kooxda.
Madaxa fulinta ee kooxda Bayern Karl-Heinz Rummenigge ayaa intaas raaciyay: “Waxaan inbadan la shaqeynayey Philippe Coutinho aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ku guuleysanay inaanu hada helno.
“Waxaan uga mahadcelineynaa FC Barcelona ogolaanshaha heshiiskan. In Philippe, ciyaaryahan ayaa u imanaya FC Bayern kaasoo xoojin doona weerarkeena hal abuurkiisa iyo farsamadiisa fiican.”
Coutinho, oo ku sugnaa dadkii badnaa ee guuldaradii La Liga ee ka soo gaartay Barcelona Jimcihii, ayaa kaga soo biiray Liverpool heshiis 142 milyan ginni ah bishii Janaayo 2018.
In kasta oo uu dhaliyay 21 gool 76 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain, hadana waxa uu lumiyay bandhigii lagu yaqiinay waxaana lala xiriirinayay kooxo dhowr ah xagaagan.
Waxaa la rumeysan yahay inuu qeyb ka ahaa dalabkii Barcelona ay dib ugula soo wareegeysay Neymar oo ka imaanaayo Paris St-Germain, kooxda reer Spain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay 100m euros (£ 92.4m) oo lagu daro Coutinho u dirto weeraryahankaeeda hore,bale taas ma dhicin.
Tottenham ayaa soo gabagabeysay xiisihii ay u qabtay heshiiska amaahda ah ee Coutinho horaantii bishaan, halka sidoo kale lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Arsenal iyo dib ugu laabashada Liverpool.
dhamaan sheekooyinkaas wa ay soo dhamaadeen nasiib wacan Philippe Coutinho.