Breaking NewsHORYAALADASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

DAAWO: Real Madrid ku garaacday Atletico Madrid Finalka Spanish Super Cup.

Sergio Ramos ayaa dhaliyay laadka xorta ahaa ee ugu dambeeyay, iyadoo Real Madrid ay 4-1 ku garaacday Atletico Madrid ciyaar ku soo dhamaatay  rigoorayaal ,waxa ayna ku guuleesteen  ​​Spanish Super Cup.

Kabtanka Real ayaa u diray Jan Oblak dariiqii qaldan ,wuxuu noqday goolkaa kii ay ku xaqiijiyeen  koobka kadib 120 oo la ciyaaray,waliba aan gool la iska dhalin.

Saul Niguez iyo Thomas Partey ayaa qasaariyey rigooradii ay tuuratay  Atletico Madrid.

Real Madrid ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 nin ka dib markii Federico Valverde casaan la siiyay waqtigii dheeriga ahaa ka dib markii uu qalad ku galay  Alvaro Morata oo goolka u furnaa.

Ciyaartii finalka ee xiisaha badneyd ayaa dnida oo dhan laga daawanaayay,waxa ay aheyd kulan si weyn looga hadal hayey garoonka King Abdullah Sports City Stadium ee magaalada Jeddah.

Joao Felix ayaa helay fursadii ugu fiicneyd ee qeybtii hore , laakiin waxa uu kubad yar oo karoos ah ka dhex tuuray  xerada ganaaxa  hadiyad ahaan u siiyay Ramos.

Real ayaa aad u dhalaalaysay bilowgii labaad, iyadoo weeraryahanka reer Serbia Luka Jovic uu si xoog leh ku socdaa ka dib markii uu laba qatar ku garaacay daafaca Atletico.

Atletico ma aysan helin kubad la bartilmaameedsan ilaa daqiiqadii 79aad, Kieran Trippier ayaa baas qatar ah siiyay  Morata, kaasoo darbadiisii ​​shabaqa ka soo laaday xerada ganaaxa lix-yaard uu si halis ah u badbaadiyay Thibaut Courtois.

Feejignaanta weyn ee ciyaarta ayaa timid iyadoo shan daqiiqo ay ka harsan tahay waqti dheeri ah markii Valverde uu si xun u jebiyey Morata meel bannaanka ka ah goosha markii uu si nadiif ah u helay kubada,asiga iyo goolhayaha ay is heli lahaayeen.

Markii la bilaabay gool ku laadyada Saul kubada ayaa birta uga dhacay,halka Thomas si fiican uu kaga bad baadiyay goolhaye Courtois, taasoo fursad siineysa Ramos inuu xaqiijiyo hanashada koobkeedii 11aad ee Spanish Super Cup.

Tartanku wuxuu lahaa qaab cusub xilli ciyaareedkaan, iyadoo labada ugu sarreeya La Liga iyo kuwa finalka Copa del Rey ay ku ciyaarayeen afar koox oo aan aheyn labada guuleysta oo midba midka kale la ciyaartay.

Real, in kasta oo ay ku dhammeysatay kaalinta seddexaad ee La Liga, waa u soo baxday maxaa yeelay Barcelona ayaa ku guuleysatay horyaalka isla markaana ku dhameysatay kaalinta labaad ee koobka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button