Coronavirus: ciyaartoy shan ka tirsan shaqaalaha kooxda Valencia oo laga helay caabuqa
Shan ka tirsan shaqaalaha kooxda Valencia uu ku jiro laacibka lagu magacaabo Garay ayaa laga helay cudurka ‘coronavirus’, sida ay goor dhow baahisay kooxda reer Spain.
Daafaca Valencia iyo xulka Argentina Ezequiel Garay ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee La Liga ah ee ku dhawaaqay inn laga helay caabuqa tijaabo la marsiiyay horaantii Axadii.
Horyaalka Spain ee La Liga ayaa la joojiyay khamiista ka dib markii kooxda Real Madrid ay aadeen karantiil.
Spain waa dalka labaad ee ku yaala Yurub ee uu saameeyay cudurka, ka dib Talyaaniga waxaana lagu wadaa inuu ku dhawaaqo kordhinta waqtiga la iskugu soo laaban doono.
“Waa iska cadahay inaan ku bilaabay 2020 nasiib xumo,” Garay, 33, ayaa ku soo qoray barta Instagram.
Aad ayaan u fiicanahay waana inaan adeecaa mas’uuliyiinta caafimaadka oo aan go’doonaa. ”
Bayaan ay soo saartay kooxda Valencia ayaa lagu sheegay in ciyaartooyda iyo shaqaalihii ay saameeyeen ay ku sugnaayeen guryahooda iyagoo caafimaadkoodu wanaagsan yahay isla markaana ay ku jiraan talaabooyin gooni u goosad ah
Waxaan ku kalsoonahay iskaashi, masuuliyad iyo niyad wanaag inaan ku garaaci doonno aafadan, “kooxda ayaa raacisay.
dhinca kale Real Madrid, xubin ka tirsan ayaa laga helay caabuqa,waxaa warbixin la soo saaray lagu sheegay in arinta ay marayso meel hagaagsan.
Dhowr ciyaartoy oo ka ciyaara horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga ayaa laga helay cudurkaan, waxaana ka mid ah weeraryahanka amaahda ku jooga Wolves Patrick Cutrone.