Jordan Henderson: Ku guuleysiga Horyaalka Premier League la’aanta taageerayaasheeda waxay noqon doontaa wax aan caadi aheyn
Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa yiri: “Ku ciyaarista Anfield iyo kor u qaadista koobka Premier League iyadoo aysan jirin wax taageerayaal ah waxay noqon doonaan wax qariib ah”
Reds ayaa hogaanka u haysa markii xilli ciyaareedka la joojiyay waxayna u baahan yihiin kaliya labo guul 9kii kulan ee iminka ka hartay horyaalkoodii ugu horeysay tan iyo 1990.
Horyaalku wuxuu rajo weyn ka qabaa in dib loo bilaabo bisha June iyada oo la hakiyey tan iyo 13-kii Maarso sabab la xiriirta cudurka faafa ee coronavirus.
Henderson wuxuu yiri taageerayaasha Liverpool “isbadal weyn ayey ku sameeyaan dhamaanteen waanna ognahay taas”.
Xiddiga reer England ayaa u sheegay BBC Radio 5 Live: “Dabcan waxa ay dareemi doontaa wax ka duwan sidii hore sababtoo ah hadii aad ku guuleysato koob kasta oo aad ku soo qaadato iyada oo aan wax taageerayaal ah jirin, waxeey noqon laheyd wax qariib ah.
Wali ma dhamaan. waxa ay inoo dhiman shaqo adag, waxaan wali u baahanahay inaan u ciyaarno heer aad u sareeya sida saxda ah ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka sababtoo ah waxaan dooneynaa inaan ku dhameysano sida ugu xoogan ee aan awoodno si aan u hubinno inuu xilli ciyaareedkaan uu yahay kii aan ugu guuleesan sida aad u fiican.
“Intaas ka dib, hadii aan guuleysano ama wax walba, ka dib [inaan] qaadno koobka iyo taageerayaasha aan joogin… kaliya waa inaad wax ka qabataa marka ay timaado. Waxaan rajeyneynaa inay taasi dhacdo. Weli waxaan ku jirnaa meel aad ufiican .
“Waxay la macno tahay inaan ku guuleysanay Premier League anaguna waan ku faraxsanaan doonnaa laakiin markaa waxaan mustaqbalka fiirin karnaa – mar kasta oo taageerayaasha loo oggolaado inay garoomada ku soo laabtaan, waan hubaa inaan wada qaadan doono nooc walba oo dabaaldeg ah.”
Liverpool iyo naadiyo kale ayaa ku soo laabtay tababarka usbuucii hore iyagoo leh nidaam adag, oo ay kujirto tababar kaliya kooxo yar, laakiin Henderson wuxuu sheegay in talaabooyinku “yihiin kuwo la yaab leh” oo ka dhigay ciyaartoydu inay dareemaan “amaan”.
Wuxuu yiri: “Waxaan heysanay barnaamijyo aan raacno, sidaa darteed qaarkeen waa macquul inay yihiin kuwa ka tayo roon sidii hore ka hor intaanaan gelin tababarka. Wiilashu waxay u muuqdeen kuwo jir ahaan aad ufiican mana aan waligey shaki iga qabin in taasi ay tahay arin aana dhici karin.
“Markaad dib ugu laabato, waa waxoogaa ka duwan nooca tababarka, durba ad la qabsato inaad ku barato kubbadda markale, dhaafeynta iyo toogashada iyo leexashada, isbedelka jihada, waxaad u baahan tahay inaad barato. Ka dib Dhowr toddobaad oo tababar buuxa ah, waxaan ku laaban doonnaa meeshii aan uga tagnay,kalkii hore. ”
Wareegii ugu dambeeyay ee tijaabada Premier League, labo shaqsiyadood ayaa laga helay cudurka Coronavirus ,waxaa dadkaas ,waxaa ka mid ah goolhayaha Bournemouth Aaron Ramsdale – iyagoo guud ahaan tirada kiisaska ka dhigay ilaa 877 tijaabadii la qaaday dhawaan.
Anaga ahaan Liverpool, runtii way fiicneyd. Waxay aheyd wax fiican inaan soo laabto qof walbana wuxuu dareemay raaxo iyo amaan, hadii kale ma geli laheyn. Waxaan rajeyneynaa in taasi ay tahay arinta Premier League oo dhan. ”