BatroolkaHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

Halyeeygii kooxda Batroolka Macalin Cumar Abuukar Maxamed oo Muqdisho ku Geeriyooday.

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday allaha u naxariistee ciyaaryahankii kooxda Batroolka iyo xulka qaranka Soomaaliya Cumar Abuukar Maxamed.

waxaa halkaan idin kugu soo gudbin doonaa taariikhdiisa oo dhameestiran.

Taariiqdii Macalinkii Naadiga Batroolka

 

Sanadkii 1926kii waa Xiligii uu dhashay, waxuu ku dhashay Magaalada  Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Yaraantiis waxuu jeclaa Cayaarta Kubada Cagta uu ku soo bilaawday xaafadaha maagalada.

Sanadkii 1951kii waa Xiligii ugu horeesay uu  Garoon Galo waxuu u cayaaray Degmada Xamar Weyne,

Sanadkii 1953kii waxuu ka mid noqday Kooxda Boliiska  Seria A

Waxaa Macalin u ahaa Tababare dhashadiisa ahayd Talyaani MagaciisaCapocionni.

Naadiga Boliiska wuu ka dhax muuqan jiray farsamadiisa oo la jeclaa waxuu kale uu lahaa tageerayaal u soo camir jireen Garoonka

Sanadkii 1961kii waxaa loo magacaabay Xulka Qaran Somaaliyeed nasiib daro,Waxaa soo gaaray Dhaawac daran, mar kale waxuu la Safray Xulka Qaranka waxay la cayaareen Dalka Suudaan waxaa Adkaaday Somaaliya 3/0 guushaas iyo farxada uu la qeyb saday Cayaartoyda Qaranaka.

Sanadkii 1966kii waxuu ka fariistay Cayaaraha waxuu Noqday Macalin 2aad Kooxda Boliiska, waxaa u Cayaari jiray Kooxda Boliiska Walaalkiis Malaaq Abuukar Maxamed.

Degmooyinkii Macalinka u noqday.

  1. 1970kii Degmada Wardhiigley

2.Sanadkii 1971kii Degmada X/Weyne

  1. Sanadkii 1973kii Degmada Wadajir

Sanadkii 1973kii waxuu Tababare u noqday Naadiga Batroolka

Sanadkii 1985kii waxuu ku guuleystay Koobkii J/Daa’uud

Sanadkii 1978kii waxuu keenay Finaalka Koobka J/Daa’uud waxaa ka qaaday Dekadaha Rigoorayaal 5/4

Sanadkii 1987kii Naadiga Batroolka waxuu ka qeyb Galay koobka  CECAFA ee naadiyada,Tartankaas Meel Fiican uu ka geeyay Naadiga Batroolka.

Sanadkii 1982kii waxaa loo magacaabay Macalinka Xulja Qaranka Somaaliyeed.

Ciyaaryahanadii uu garoonka la soo galay.

1-Maxamuud Gabow.

2-Muumin.
3-Madka oo goolhaye ahaa.

4-Xaaji Macoow

5-Maxamed Xasan qalaf,

6-Abdixamiid.

7-Cabdikariin xuuti.

8-Maxamed yuusuf kobey.

9-Xuseen Cali Cownka.

 

Kooxiihii uu aadka ula xifatami jiray,waxaa kamid ah.ciyaartodii ugu horeeyay ee kubada cagta soomaaliya la aasasay

1-Debow oo hada gaadiidka loo yaqaano

2-jeenyo.

3-Booliska.

Ciyaryahanadi jeenyo ee aadka u xafiiltami jireen,waxaa kamid ah.

1-Tifow

2-Maxamed Xaaji

3-Miire

4-Majabe

5-Xaaji yaxye

6-Aadan warsame

7-Nuunow

8-Cabdi Nageeye.

9-Saalimu goolhaye ahaa

10-Macalin Duke

11-seef islaam

Kooxdii deebo

1-maxamuud Bare.

2-Faarax xersi.

3-Ismaaciil MalaaqShangole.

4-Xersi waadi

5-Khaliif xasan.

6-Sahariif saalax

7-shan cad

8-Cabdow saalim

9-yare.

10-Anwar

Waxaa lagu Xasuustaa Macalin Cumar, Soosaarid Cayaartoy Dalka Magac ku Reebay

  1. Muqtaar Cuti
  2. Cabdalla Quuq
  3. Senigaal
  4. Xasan Coole (Suufi)

5.Ibraahim Iftin

  1. Nuur Abuukar Maxamed
  2. Saalax Dhiiga (Goolhaye)
  3. Cabdalle Guudlle
  4. Abdulqaadir Maxamed Faarax Biriq

10-Maxamed Cumar Abuukar(Falcua)

 

Sanadkii 1984kii Macalin Degmada Dharkeyneey wuu qaaday Koobkii Degmooyinka G/Banaadir

Sanadkii 1997kii Koox heer 2aad Asal

Sanadkii 1996kii Koox Heerka 1aad Bisha Cas

Sanakii 2001 Mashruuci Da’yarta oo soo qaban qaabiyay Xiriirka Kubada Cagta

oo lagu Qabtay Xaruunta SOS ee Magaalada Muqdisho

Waxaa ku Guuleystay Kooxda Dharkeynleey

Waxuu ifka kagatay 14 Caruur ah Alaha u Naxariisto Macalin Cumar,wuxuu ku geeriyooday da’da 94 sano jir.

Jantul fardowsa Alaha ka waraabiyo Aamiin Aamiin

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button