Wararkii ugu dambeeyey ee xanta suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda.
Manchester City ayaa dhameystirtay saxiixa 23 jirka garabka uga ciyaara kooxda Valencia Ferran Torres 23 milyan euro oo u dhiganta (£ 20.87m) ayuu ku yimid kooxda England ka dhisan.
Isaga ayaa ah saxiixii ugu horeeyey ee City ee xagaagan wuxuuna bedelaa weeraryahanka Jarmalka Leroy Sane, kaasoo 3dii Luulyo ku biiay kooxda heysata horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich. 20 jirka ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sano ah.
“Ciyaartoy walba wuxuu doonayaa inuu ku lug yeesho kooxaha weerarka, Manchester City waa mid ka mid ah kuwa ugu weerarka badan kubada cagta adduunka,” ayuu yiri Torres.
Liverpool ayaa xiiseyneysa inay la soo saxiixato daafaca bidix ee Norwich City Jamaal Lewis oo lagu qiimeeyo 10 milyan ginni iyadoo doonaysa in uu kayt u noqdo Andy Robertson.
Daafaca Waqooyiga Ireland Lewis, oo 22 jir ah, ayaa 28 kulan oo Premier League ah saftay xilli ciyaareedkii 2019-20, isagoo dhaliyay hal gool, xilli Canaries ay heerka labaad u laabatay.
Norwich ayaa loo maleynayaa inay xiiseyneyso daafaca bidix ee Reds Yasser Larouci, taasoo gacan ka geysaneysa in heshiis la gaaro.
Larouci oo u dhashay Algeria oo 19 jir ah ayaa qandaraaskiisa uga harsan hal sano wuxuuna doonayaa inuu helo waqti dheeri ah.
Manchester United iyo Borussia Dortmund ayaa weli ku kala fog qiimeynta weeraryahanka reer England Jadon Sancho.
Waxaa la sheegay in United ay heshiis shaqsi ah la gaartay Sancho, laakiin BBC Sport ayaa fahamsan inaysan taasi aheyn xaaladdu la doonaayo hadda.
Red Devils ayaa Sancho ka dhigtay bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa kala iibsiga xagaagaan.
Dortmund ayaa 100 milyan ginni ku dooneysa 20 jirka waxa ayna sheegeen inay doonayaan in heshiis la gaaro 10ka Ogosto si ay ula sii socdaan ololahooda xilli ciyaareedka oo aan ku mashquulin.
United ayaa dareensan in lacagtaas – oo noqon laheyd rikoor u ah ciyaaryahan British ah – waa wax aan macquul aheyn mana tixgelinayso saameynta dhaqaale ee cudurka faafa ee coronavirus, kaasoo ku kiciyey kooxaha ugu sareeya qaarada yurub lacag lagu qiyaasay 3.5 milyan ginni inta lagu gudajiro 2019-20 xilli ciyaareedkaan.
Goolhayihii hore ee Real Madrid iyo Spain Iker Casillas ayaa ciyaaraha ka fariistay isagoo 39 jir ah.
Casillas wuxuu Real u saftay 725 kulan 16 sano oo uu ku sugnaa Bernabeu, isagoo kula guuleystay seddex Champions League iyo shan La Liga.
Wuxuu sidoo kale ka caawiyay Spain inay ku guuleysato Koobkii Adduunka ee 2010 iyo laba horyaal oo Yurub ah oo xiriir ah sannadihii 2008 iyo 2012.
Casillas wuxuu ku biiray Porto sanadkii 2015 laakiin ma uusan ciyaarin tan iyo markii uu ku dhacay wadno xanuun intii lagu guda jiray tababarka bishii Abriil 2019.
Intii lagu jiray soo kabsashadiisa waxaa door la siiyay shaqaalaha tababarka naadiga bishii Luulyo 2019.
156 kulan ayuu u saftay kooxda reer Portugal, wuxuu kula guuleystay labo horyaal Primera Liga iyo hal koob oo Portuguese ah.
Casillas ayaa 167 kulan u saftay xulka qaranka Spain intii u dhaxeysay 2000 iyo 2016. Kaliya Sergio Ramos ayaa ka safasho badan dhanka xulka.
Daafaca kooxda Real Madrid Ramos ayaa bartiisa Twitter soo dhigay sawir isaga iyo Casillas ah oo uu ku sharfayo saaxiibkiisii hore ee kooxda.
Naadiyada Premier League ee ku lugta leh marxaladaha dambe ee tartamada Yurub ayaa dib loo dhigi doonaa bilowga xilli ciyaareedka 2020-21.
Faahfaahinta qarsoodiga ah ee ku saabsan jadwalka j xilli ciyaareedka soo socda ayaan go’aan laga gaarin ilaa dhamaadka bishaan.
Laakiin waxaa horay loo go’aamiyay mabda’a ah in naadiyada oo dhan la siiyo ugu yaraan waqti nasasho ah.
Manchester City iyo Chelsea ayaa ku wada jira Champions League iyadoo Manchester United iyo Wolves ay ku hareen Europa League.
Muddo 30 maalmood ah ayaa guud ahaan la aqbalay, taas oo macnaheedu yahay in koox kasta oo ku lugta leh marxaladii ‘Side Sideedaad’ ee Champions League ama Europa League aysan bilaabi doonin ololahooda 12ka Sebtember markaasoo Premier League uu bilaaban doono.
Manchester City ayaa 2-1 ku hogaamineysa Real Madrid lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee ka dhacaya Etihad Stadium jimcaha. Haddii ay gaaraan finalka Lisbon 23ka Ogosto, waxay seegi doonaan labada isbuuc ee ugu horreeya ololaha cusub.
Rafael Nadal wuxuu go’aansaday inuusan ciyaarin US Open goor dambe oo bishaan ah sababo la xiriira cudurka faafa ee coronavirus “
Nadal, oo 34 jir ah, lambarka 1-aad ee adduunka ah ayaan soo gaarin halka uu ka dhacaayo tartankan, ee magaalada New York laga bilaabo 31 Ogosto.
Nadal wuxuu yiri “Xaaladda caafimaad waa mid aad u adag oo adduunka iyadoo kiisaska ay sii kordhayaan iyo kuwa kacsanaya,”
Novak Djokovic oo u dhashay dalka Serbia ayaa hogaaminaya liiska ragga, halka Serena Williams oo reer Mareykan ah ay tilmaamtay inay ciyaari doonto.
Nadal wuxuu raaciyay: “Tani waa go’aan aanan waligey dooneynin inaan qaato laakiin waxaan go aansaday inaan qalbigeyga raaco markan iyo waqtigeygu kama fiicna inaan safro.”
Ururka Tennis-ka Mareykanka (USTA) ayaa ku martigelinaya tartan laba jeer Flushing Meadows, isagoo u guuray Xarunta ‘Cincinnati Masters’ New York.
Madrid Open ayaa la baajiyay ka dib markii qabanqaabiyeyaashu ay ku warbixiyeen wasaarada caafimaadka Spain in aysan qabanin iyadoo ay jirto xaalad kacsanaan ah oo magaalada ka jirta.
Tartanka ayaa lagu waday in laga bilaabo caasimada Spain 12ka Sebtember.
“Ma lihin ikhtiyaar aan ka ahayn inaan baajino tartanka sababtoo ah xaalada cakiran ee Covid-19 ay kasii wado abuurista dhinac walba,” ayay yiraahdeen qaban-qaabiyaasha.
Xiddiga reer Spain Rafael Nadal ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii iska diiwaangelisay inay ciyaaraan.
Spain waxay diiwaangelisay in kabadan 302,000 xaaladood oo ah coronavirus tan iyo bilowgii masiibada, iyo 28,498 ayaa u dhintey, sida ku cad tirakoobyadii ugu dambeeyay ee la baahiyay Talaadadii.
Xogta ka socota Xarunta Yurub ee Kahortagga iyo Xakamaynta Cudurrada (ECDC) waxay muujineysaa heerka cudurka infekshanka Spain si dhakhso ah ayuu mar kale kor ugu kacayaa, gaar ahaan gobollada Madrid iyo Aragon.
Fulham ayaa garaacday Brentford finalka ciyaaraha heerka labaad si ay si dhakhso leh ugu soo baxeen Premier League iyadoo uga mahadcelineysa laba gool oo waqti dheeri ah oo uu u dhaliyay Bryan.
Ciyaaryahankii hore ee qadka dhexe ee England Parker ayaa sheegay inuu ku faani karo in ciyaartoy ku lug yeeshay xilli ciyaareedkii masiibada ee Premier League ay dib u soo laabteen.
“Marka hore waxaan jeclahay inaan u hambalyeeyo Fulham, Scott Parker, shaqaalihiisa tababarka iyo qof kasta oo ku lug leh,” ayuu yiri Dane.
Kabtanka Aston Villa Jack Grealish, 24, waxaa loo soo bandhigi doonaa qandaraas cusub oo uu isbuucii ku qaadanayo 100 kun ginni si uu meesha uga saaro xiisaha ay u qabto kooxda Manchester United.
Manchester City ayaan wax dalab ah u helin daafaca dambeedka midig ee kooxda Barcelona Sergi Roberto, inkasta oo si xoogan loola xiriirinayo 28 jirka reer Spain – mana qorsheysan. (Manchester Evening News)
Goolhayaha reer England ee kooxda Man United Dean Henderson, oo 23 jir ah, ayaa doonaya inuu doorto booska koowaad ee David de Gea haddii uu ku laabanayo Old Trafford ka dib amaah uu kula soo qaatay Sheffield United.
Bilyaneer Mareykan ah iyo milkiilaha Roma James Pallotta ayaa diiday inuu ka hadlo wararka la xiriirinaya inuu la wareego kooxda Newcastle. United.
Kooxda heysata horyaalnimada Premier League Liverpool ayaa ku dhow inay dhameystirto heshiis 9 milyan ginni ah oo ay ku doonayaan daafaca Real Betis iyo daafaca Algeria Aissa Mandi, oo 28 jir ah. (Bein Sports via Mail)
Burnley ayaa uga digtay Leicester inaysan ka fiirsan doonin inay iibiyaan daafaca dhexe ee reer England James Tarkowski, oo 27 jir ah, waxaana lagu heli karaa 50 milyan ginni. (Mail)
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Southampton Pierre-Emile Hojbjerg, oo 24 sano jir ah, ayaa qarka u saaran inuu 15 milyan ginni ugu biiro Tottenham, iyadoo daafaca Ingariiska ee Kyle Walker-Peters, oo 23 jir ah, uu isna dhinaca kale aadi doono,waxaa lagu qiimeeyaa 12 milyan ginni. (Telegraph
Daafacii hore ee kooxda Chelsea Branislav Ivanovic ayaa sheegay inay u badan tahay inuu la xiriiri doono tababarihiisii hore Carlo Ancelotti oo hada maamulo Everton.
Liverpool, Crystal Palace iyo Wolves ayaa muujiyey xiisaha ay u qabaan saxiixa 22 jirka garabka ka ciyaara ee reer Senegal Ismaila Sarr oo hada ka mid ah kooxda u laabtaya heerka labaad ee Watford. (Watford Observer)
Kubadsameeyaha reer Scotland Ryan Fraser, oo 26 jir ah, ayaa xor ah ka dib markii uu ka soo tagay Bournemouth, waxaa loo soo bandhigay Crystal Palace heshiis 50 kun ginni isbuucii ah. (Mail)
Leeds ayaa rajeyneysa inay soo iibsato daafaca reer Feyenoord ee reer Argentine Marcos Senesi, oo 23 jir ah. (Talksport)
Leicester City ayaa weydiisay Barcelona hadii ay ku qaadan karaan 20 jirka weerarka ka ciyaara reer Portugal Francisco Trincao amaah labo xilli ciyaareed ah, oo ay kujirto waajibaadka ah inay ku iibsadaan 45 milyan ginni dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Guardian)
Everton ayaan la soo saxiixan doonin weraryahanka lagu magacaabo Everton – weeraryahanka reer Brazil oo 24 jir ah ayaa u muuqda inuu ku biirayo kooxda reer Portugal ee Benfica kana soo jeeda Gremio. (Gool)
Southampton ayaa xiiseyneysa daafaca Groningen Deyovaisio Zeefuik, oo 22 jir ah, laakiin ninka reer Holland ayaa la rumeysan yahay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Jarmalka. (South Daily Echo)
Fursadaha ay Chelsea ku heli karto inay heshiis la gaarto ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Brentford iyo xulka Algeria Said Benrahma, oo 24 jir ah, ayaa kordhay ka dib guuldaradii Bees ee ka soo gaartay Fulham. (
Weeraryahanka kooxda Queens Park Rangers Eberechi Eze, oo 22 jir ah, waxaa indhaha ku haya kooxda ay xafiiltamaan London ee Crystal Palace iyo West Ham. (
Xiddigii hore ee qadka dhexe ee Manchester United Angel Gomes, oo 19 jir ah, ayaa ku biiray kooxda reer France ee Lille heshiis shan sano ah ka dib markii ninka reer England uu xagaagan ka tagay Old Trafford. (Metro)