Barcelona oo beerka ka tuntay Napoli xili Rikoor u gaar ah u dhigtey Champions League
Barcelona ayaa markii 13aad si xiriir ah usoo gudubtey wareega 8da ee Koobka Champions League iyagoo hadda rubuc dhamaadka ku arki doona- Bayern Munich kadib markii ciyaar xiiso laheyd ay Napoli ku reebeen Nou Camp.
Quique Setien Kooxdiisa oo marti loo ahaa ayaa waxaa sadex gool u kala dhaliyey Clement Lenglet, Lionel Messi iyo Luis Suarez iyadoo gool kale oo uu dhaliyey Messi laga diidey markii la muujiyey inuu kubadda gacanta ku qaatay.
Kulankii Lugta koobaad ayaa kusoo dhamaadey 1-1 kaasoo guriga Napoli ka dhacay bishii February, Messi oo aad u muuqdey ayaa gool qurux badan dhaliyey kadib markii daqiiqadii 10aad daafac Lenglet uu madax ku dhaliyey goolka koobaad.

weeraryahanka reer Argentine ayaa markale kubad uu xabadka ku dejiyey si qurux badan u laaday, laakiin aalladda VAR oo ciyaarta qeyb ka ahayd xaley ayaa muujisey in gacanta ku taabtay,laakiin markale VAR waxaa ay caawisey garsooraha reer Turkish markii uu qaatay go’aan uu rigoore uga dhigey daafac Kalidou Koulibal oo isagoo aan iska eegin Lugta Messi sida kubaddii u laadey waxaana gool u bedelay Luis Suarez,
Laakiin daqiiqadii ugu daneysay dhamaadka qeybta koobaad ayaa Napoli heshay Rigoore markii Ivan Rakitic khalad ku galey Mertens waxaase u saxiixey Lorenzo Insigne sidaa 3-1 ayaa lagu kala nastay, markii lasoo laabtayna Napoli isku dayo badan ayey sameeysay laakiin 3-1 cel celis ahaan 4-2 ayey kusoo gudubtay kooxda barcelona oo Jimcaha kulan Ha is arag ah rubuc dhamaadka la yeelan doonta Bayern Munich.


