NATIIJADA KULANKII MIDNIMO IYO GEESKA AFRIKA EE KOOBKA JEN.DAA’UUD 2020
Kooxda Kubbadda cagta ee Geeska Africa ayaa guul muhiim u ah ka gaartay galabta kulankii labaad ee koobka Jeneraal daa’uud markii kooxda MIDNIMO ay ku wada ciyaareen garoonka Jaamacadaha degmada Hodan gobolka Banaadir, kulankaasi oo ahaa mid aad u xiiso badnaa.
Kulanka Labada kooxood oo kutirsanaa Group-ka D ayaa waxay labada dhinac ku doonayeen iney gaaraan guushii labaad maadama ay kulamadii koobaad guul kasoo kala gaareen kooxaha Elman iyo Jamhuuriya, waxaana kulanku ahaa mid ay kusoo bandhigeen kubad adag oo adkeysi weerar iyo weerar celis ku dheehan,
Kooxda Geeska Afrika ayaa heshay gool ay hogaanka ugu qabatay kulanka dhamaadka qeybta koobaad markii kubad weerar ku socotay diilinta 18-aad lala soo galay waxaana Lugta Bidix si qurux badan ugu dhaliyey Ciyaaryahanka Lambar 11-aad oo la yiraahdo Mustaf Ibraahim Cali sidaa ayaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayaan Kooxda Geeska AFrika.
Markii dib loo soo laabtay ayey sameeyeen dhinacyadu weerar dhowr ah gaar ahaan kooxda MIDNIMO ayaa dhowr fursad abuurtey taasoo halis gelisey goosha kooxda Geeska Afrika wallow aysan u suurtagelin iney soo celiyaan deeynta lagu lahaa, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday 1-0 oo ay guushuu labaad xiriirka ah ku gaareen kooxda Geeska Afrika oo hadda 6-dhibic ku hogaamineeysa Group D.
kulamada kale ee xiga GEESKA AFRICA waxay wajihi doonaan kooxda ELMAN oo dooneysa guul maadama ay 3-dhibic leedahay oo halka MIDNIMO ay iyanna raadin doonto guul waxayna wajihi doontaa kooxda JAMHUURIYA oo guul darooyin soo qaadatay uguna hooseysa Group-ka kulamadaasi waxay dhici doonaan 7-da bishan Oktoobar.