HORSEED OO GUUL MUHIIM AH KU XAQIIJISEY WAREEGA 2-AAD KOOBKA JEN.DAA’UUD 2020
Naadga Horseed ayaa soo tiiksatay wareega labaad ee koobka Koobabka ee Jeneraal Daa’uud kadib markii Ciyaar xiiso badan ooo ay garoonka Eng-yariisoow kula yeelatay kooxda Batroolka ay ka gaartay guul muhiim u ahayd.
Kulanka Labada kooxood ee Horseed iyo Bartoolka oo ku tirsaneyd Group A ayaa ahaa kulankii sadexaad ee ugu danbeeyey dhinaca Groupyada, waxaana xusid mudan in labada koox gaar ahaan kooxda Horseed ay kusoo baxday guul ay gaarto halka Batroolka rajadeedu aad u hooseysay, waxaana daqiiqaddii 2-aad ee kulanka kooxda Horseed u suurtagashay iney dhaliyaan gool waxaana u saxiixay ciyaaryahanka Lambarka 11-aad Caddaani Bare Ciise, sidoo kale Caddaani Barre ayaa markale shabaqa dhaafiyey daqiiiqadii 36-aad , iyadoo labo Kaar oo hurdi ama jaalle la siiyey Nuune Haashimi oo Horseed ah, iyo Maxamed Cali oo Batroolka u dheela.
Wixii intaas ka danneeyey kooxda Horseed ayaa sii waday weerarada ay ku qaadeysay goolka kooxda Batroolka, waxaana xusid mudan in Kooxda Horseed Maalin kahor ay Ceytisay tababraheeda Cabdi Joon, waxaana Horseed u suurta gashay waqtigii dheeriga qeybta koobaad daqiiqadii 45+2 iney helaan goolkii saddexaad waxaana u saxiixay Lambarka 10-aad Farxaan Nuur Duqoow, sidaa ayaana lagy kala nastay 3-0 Horseed hogaanka ku heeysay.
Markii lasoo laabtay ayey kooxda Batroolka sameeyeen bedel ilaa 2 ciyaaryahan waxaana u suurtagashay iney helaan 2 gool oo mid ahaa gool kulaad daqiiadihii 48,77aad waxaana u kala dhaliyey Zakariye Bootaan iyo Ayuub Cabdullaahi, hase yeeshee Ciyaaryahanka lambarka 4-aad u qaata Horseed ayaa Dhaliyey gool uuu ka toogtay meel ka baxsan xerada ganaaxa kaasoo ahaa mid aad u qurux badnaa waxaana kulanku kusoo dhamaaday 4-2 oo ay guushu ku raacday Horseed.
Horseed ayaa kaalinta koobaad ugu soo gudubtay 7 dhibic kadib saddexdii kulan ee Groupyada, waxaana sidoo kale isla groupkaasi A kasoo baxay kooxda Raadsan oo iyaguna 7 dhibic shaqeeystay.