Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Degmada C/Casiis oo guul dirqi ah ka gaartay Balcad tartanka Deg.Gobolka Banaadir 2020

Kulanka Labada kooxood oo ku tirsanaa Group B ayaa ahaa mid aad u adkaa oo ay dhinacyadu soo bandhigeen ciyaar farsamo ku dhisneyd, waxaana labada koox ay doonayeen guul maadaama isku dhibco ahaayeen oo min 4 dhibic lahaayeen.

Kooxda degmada Balcad ayaa daqiiqaddii 3-aad heshay fursad si fiican looga soo shaqeeyay waxaase goolhayaha kooxda Cabdi Casiis farta ka saaray Ciyaaryahanka lambarka 7-aad kaasoo ahaa dhaliyihii kulankii ay guusha soo qaadeen, dhinaca kooxda C/Casiis oo ciyaartoydoodu aad uga da’yaraa waxayna abuurayeen kubad taataabasho ku dhisneyd wallow aysan dhaafeyn afka diilinta ganaaxa ee kooxda Balcad.

Dhamaadkii qeybta koobaad daqiiqaddii 45-aad ayaa kubad si fiican looga soo shaqeeyay ciyaaryahanka lambarka 10-aad ee C/Casiis waxaa uu u baasay xidiga lambarka 11-aad Idiris Maxamed kaasi oo si qurux badan lugta bidix uga dhaliyey goolhayaha Balcad waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 1-0 oo ay C/casiis ku hogaamineysay.

Markii dib loo soo laabtay ayey dhinacyadu sii wadeen dadaalkii ay ku doonayeen iney shabaqa ku gaaraan, waxaana xusid mudan in tababaraha Balcad daiiqadi kadib sameeyay labo bedel waxaana ciyaaryahanada uu keenay kamid ahaa Cali Gaabane oo ciyaarta wax ka bedelay, waxaana kooxda C/Casiis ay helaan gool-kulaad ay kusii dheereyn kareen hogaanka waxaase Cirka mariyey ciyaaryahankooda lambarka 40-aad.

Wixii xiligaa ka danbeeyay waxaa sii socday weerar iyo weerar celis labada dhinac iyadoo ciyaaryahan Cali Gaabane oo kujira diilinta 18-aad ee C/casiis uu jalaafay daafaca Lambarka 3-aad, laakiin gool-kulaadkii loo dhigay isla isaga ayaa birta ku garaacay waxaana guud ahaan kulanka kusoo dhamaaday 1-0 C/Casiis guushu ku qaaday waxaana hadda C/casiis yeelatay 7 dhibic, Balcad waxay leedahay 4 dhibic,Boondheere 2,dharkeenleey 3 dhibic,Deyniile 0.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button