Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYA

SAWIRRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Muqdisho City & Jeenyo SPL.

Ciyaartan oo ahayd mid kamid ah kulamada ugu adag horyaalka Somaali Premier League ayaa galabta waxaa garoonka Eng-yariisoow ku wada ciyaaray kooxaha Muqdisho Iyo Jeenyo oo ah kooxo aad ugu xifaaltamo ciyaaraha kubadda cagta, kulanka ayaa ku bilowday weerar iyo weerar celis waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan.

Qaybtii hore kulanka daqiiqadii 21-aad kooxda k/cagta jeenyo ayaa heshay gool waxaana goolkaasi uu ahaa mid ay ka soo shaqeeyeen qaar kamid ah ciyaartoyda kooxda jeenyo waxaana gool u beddalay ciyaaryahanka lambarka 13-aad C/rizaaq Maxamed oo kooxdiisa hoggaanka ciyaarta u dhiiibay waxaana lagu kala nastay qaybtii hore 1-0  oo jeenyo ku hogaamineyso ciyaarta, Garsoore C/fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay qaybtii hore  hal calaamad oo ah kaarka digniinta waxaana la siiyay lamabarka 6-aad ee kooxda muqdisho Cali Cumar daqiiqadii 21-aad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta kooxda Muqdisho City waxey cadaadis xoogan ay saareen daafaca kooxda jeenyo waxaana jiray fursado badan ay abuureen xiddigaha naadiga muqdisho city, balse kooxda jeenyo waxey ahaayeen kuwo iska difaacay kubad walba oo halis ku aheyd iyadoo natiijada ciyaarta ay ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay naadiga jeenyo oo gaartay guushii ugu horreysay horyaalka dalkeena  Somaali Premier league maadaama labadii kulan ay soo ciyaartay midna laga adkaaday midna ay barbaro ay soo gashay, qaybtii labaad waxaa calaamada hurdiga loo taagay lamabarka 6-aad C/raxmaan Ibraahim oo ka tirsan naadiga Jeenyo daqiiqadii 86-aad ee ciyaarta.

Marka ay ciyaartu soo dhamaatay waxaa bahda saxaafada u yeeray macalinka naadiga muqdisho city Maxamed Mistiri Lamjed, wuxuuna sheegay in uu iska casilay shaqadii uu ka hayay kooxda Muqdisho isagoo intaa kudaray in uu u mahadcelinyo maamulka kooxda iyo  taageerayaasha is casilaada macalinka wali wax war  kama soo saarin kooxda muqdisho City, wixii ku soo kordho halkaan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa.

WQ/Daacad

Image may contain: 5 people, people playing sport and people standing
Image may contain: 1 person, playing a sport, child and outdoor
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 3 people, people playing sport and outdoor, text that says "ടി AT FIFA FIFA YARADDA IYOI GA premierbank premier bank remier vallet premier bank www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor, text that says "ငി A ier banl www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
Image may contain: 11 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing, outdoor and text
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing and outdoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button