SAWIRRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Heegan & Muqdisho City SPL.
Kooxaha Muqdisho City Iyo Heegan ayaa ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow kulan ka tirsanaa horyaalka heerka 1-aad ee dalkeena Somaali Premier league, ciyaartan oo ahayd mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan awood ahaana garbo siman.
Qaybtii koobaad oo dhamaad ku dhaw kooxda kubadda cagta muqdisho city ayaa ku hormartay gool waxaana u dhaliyay goolkaasi ciyaaryahanka lambarka 8-aad u xirto Xasan Santoos daqiiqadii 40-aad hase yeeshe afar daqiiqo kadib koox Heegan ayaa iska soo barbareysay waxaana goolkaasi u saxiixay xiddigooda daafaca ugu ciyaaro ciyaaryahanka lambarka 27-aad Yabi Assifranck oo ciyaarta ku soo celiyay 1-1 waxaana qaybta 1-aad lagu kala nastay barbaron 1-1 ah.
Garsoore Xasan baari ayaa bixiyay qaybtii hore labo calaamad oo ah kaarka hurdiga waxaana la kala siiyay labada kooxood kaarkii ugu horreeyay ee kulanka waxaa loo taagay kabtanka kooxda kubadda cagta muqdisho city Ciise C/qaadir halka kaarka kale la siiyay ciyaaryahanka kooxda heegan Abdikaadir Siidoow ma jirin calaamad kale oo la bixiyay qaybtii hore.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii 2-aad waxey ciyaartu aheyd mid labada kooxood ay la soo laabteen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis waxaana jiray fursado ay iska lumiyeen labada kooxood, ciyaaryahanka daafaca dambe ugu ciyaaro naadiga Muqdisho City xiddiga lagu magacaabo Stephane ayaa mar kale hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 57-aad wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1.
Dhanka kale ciyaaryahanka lamabarka 6-aad ee kooxda Heegan Abdikaadir Siidoow ayaa laga saaray ciyaarta daqiiqadii 76-aad kadib markii loo taagay kaarka casaanka isagoo hore u qabay calaamada digniinta sidoo kale macalinka kooxda heega Mahad Maxamed Xaaji ayaa isagana loo taagay calaamada casaaanka kadib markii uu ku murmay in kooxdiisa loo dhigi waayay kubad gool kulaad ah oo gacanta ay ku taabteen ciyaartoyda kooxda muqdisho taas oo keentay in garsoore Xasan Baari uu marka hore siiyay calaamada digniita daqiiqado kadibna laga saaray garoonka markii uu mar kale murmay macalin Mahad taaso oo keentay in loo taago kaarka Casaanka.
Kooxda kubadda cagta Heegan iyagoo ku ciyaarayo 10-ciyaartoy waxey abuureen fursado kale, ciyaaryahanka lambarka 19-aad C/najiib kaas oo beddal ku soo galay ciyaarta laguna beddalay kabtabnka kooxda heegan Mahad Saha ayaa ciyaarta ku soo celiyay barbaro 2-2 daqiiqadii 93-aad ee ciyaarta kadib markii uu madaxa qurux badan u dhaliyay kooxdiisa Heegan, hase yeeshe daqiiqad kadib kooxda Muqdisho ayaa ka faa’’iideysatay kubad weerar ah oo kooxda heegan laga soo celiyay weerar ay ku qaadeen kooxda Muqdisho City, waxaana kubadaas gool u beddalaya ciyaaryahanka lambarka 11-aad Maxamed C/risaaq Jeena daqiiqadii 94-aad ee ciyaarta waxaana natiijada ciyaarta ay ku soo dhamaatay 3-2 ay ku adkaatay kooxda Muqdisho City.
WQ/ Daacad