Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYA

SAWIRRO: Raadsan Oo Dib Ugu Soo Laabatay Hoggaanka Horyaalka S.P.L Kadib Guul Ay Ka Gaartay Kooxda Dekaddaha.

Kooxda kubadda cagta Raadsan ayaa dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka Somali Premier league kadib guul ay galabta ka gaartay kooxda Dekaddaha, kulankan oo lagu ciyaaray garoonka Eng-yariisoow ee degmada C/casiis ayaa ahaa mid aad u adag waxey labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar iyo weerar celis ah qaybtii hore waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac hase yeeshee waxaa lisku mari waayay 0-0 45-ta daqiiqo ee hore.

Garsoore Xasan Baari oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay labo kaar oo kaarka hurdiga qaybtii koobaad, waxaana la kala siiyay ciyaartoyda labada dhinac kaarkii ugu horreeyay waxaa loo taagay kabtanka kooxda Dekaddaha Kabtan Cabaas Amiin daqiiqadii 38-aad halka kaarka kale la siiyay ciyaaryahanka lambarka 25-aad Donato Okelo ee ka tirsan Raadsan daqiiqadii 44-aad ee ciyaarta.

Marka dib la isug soo laabtay qaybtii labaad waxey wax waliba  is beddaleen markii kaarka casaanka loo taagay kabtanka kooxda Dekaddaha Cabaas Amiin oo qalad ku galay ciyaaryahanka kooxda Raadsan Cabdi Wali Sheekeeyay taas oo keentay in dhaawac ahaan ciyaarta looga saaro ciyaaryahan Cabdi wali oo lagu beddlay Khaliif oo lambarka 5-aad u xirto kooxda raadsan, Casaanka la siiyay kabtanka kooxda Dekaddaha Cabaas Amiin daqiiqadii 53-aad waxuu ciyaarta ka beddalay qaab ciyaaeedkii wanaagsanaa ee kooxda Dekaddaha walloow ay dadaaleen ciyaartoyda naadiga Dekaddaha oo bandhig wanaagsan muujiyay iyagoo ku ciyaarayo 10-ciyaartoy.

Kooxda Macalin Cabdi joon ayaa la timid labo gool daqiiqado isku dhaw dhamaadkii ciyaarta waxaana goolka koobaad u dhaliyay weeraryahankooda C/wahaab Aweys daqiiqadii 79-aad ee ciyaarta caawin uu ka helay kabtanka kooxda Raadsan Cabaas Aaadan saddex daqiiqo kadib waxey mar kale dhaliyeen goolkii labaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay lambarka 16-aad Faahin C/dulaahi daqiiqadii 82-aad kaas oo ciyaarta beddal ku soo galay, hase yeeshee kooxda Dekaddaha ayaa la timid gool daqiiqadihii lagu daray ciyaarta 92-daqiiqo waxaana goolkaasi dhaliyay lambarka 23-aad Cali Cabdi oo beddal ku soo galay ciyaarta qaybtii labaad, natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda Raadsan.

Garsoore Xasan Baari ayaa bixiyay qaybtii labaad 2-kaar oo ah kaarka hurdiga iyo hal calaamad oo ah calaamada casaanka kooxda raadsan ayaa la siiyay labada kaar waxaana loo taagay dhaliyaha goolka 2-aad Faahin C/laahi iyo daafaca dambe kooxd Raadsan Emmanuel.

Si kastaba guusha ay gaartay kooxda Raadsan waxey dib ugu soo laabatay hoggaanka horyaalka SPL iyagoo leh 16-dhibcood waxaana ay sugi doonaan natiijada ciyaarta kooxda kubadda cagta MCC ay la leedahay naadiga Midnimo maalinta Arbacada haddii MCC ay badiso waxey gaari doonaan 18-dhibcood Raadsan ayaana kaalinta labaad gali doonto haddii ay barbaro gashoMCC isku dhibco ayey noqon doonaan oo Raadsan ayaa hoggaanka sii heen doonto.

WQ/ Daacad

May be an image of 3 people, people standing and outdoors
May be an image of 9 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 11 people, people standing and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of one or more people, people playing American football, people standing and grass
May be an image of 1 person, standing, playing American football and outdoors
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text that says "ടി SPORTS AT RA 17 SAN www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of one or more people, people standing, people playing American football and outdoors
May be an image of 1 person, playing American football, standing and outdoors
May be an image of one or more people, people standing, people playing sport, grass and text

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button