SAWIRRO: Kooxda Gaadiidka oo Nus dersan Goolal ku harqisey Geeska Afrika Horyaalka SPL
Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka ayaa guul weyn ka gaartay dhigeeda Geeska Afrika oo ay wada ciyaareen kulan ciyaareed ku tirsan horyaalka heerka koobaad ee Dalka 2020/21 kaasi oo si habsami leh uga socda garoonka Eng-yariisoow degmada c/casiis ee caasimadda dalka.
Kulanka labada kooxood ayaa ku bilowdey weerar iyo weerar celis laakiin daqiiqadii 26-aad ayey kooxda GAADIIDKA qabteen hogaanka markaasoo ciyaaryahan Nicolas Kagawa uu u saxiixey gool, isla qeybtaasi koobaad daqiiqadii 34-aad ayuu weeraryahan Emarial hogaanka u dheereeyay kooxdiisa GAADIIDKA sidaa 2-0 ayaana lagu kala nastay qeybta koobaad.
Markii dib loo soo laabtay ayey 5 daqiiqo Gaadiidka dheereysay waxaa u saiixey gool saddexaad FEYSAL xmed waxaase afareeyay DAANYA, waxaa sii xoogeeystay weerarka lagu qaadayey goosha Geeska Africa iyadoo markale ciyaaryahan EMARIAL shaqa dhigey goolkiisii labaad iyo midkii shanaad ee kooxda, hase yeeshee waxaa nus dersin sheekada kusoo xirey Yaxye Qaasim daqiiqaddii 75aad sidaa ayeyna GAADIID 6-0 ku macslaameysay G/AFRICA.








