SAWIRRO: Muxuu ku dhamaaday kulankii adkaa ee Derbigii ciidamada horyaalka dalka S.P.L
Kooxaha kubadda cagta ee horseed iyo Heegan ayaa garoonka Stadium Muqdisho ku yeeshay kulan aad u xiiso badnaa oo kutirsanaa wejiba labaad horyaalka heerka koobaad ee dalka 2020/21, kaasi oo ay usoo xaadireen taageerayaasha labada kooxood iyo dadweyne kale oo xiiseeya kubadda cagta.
Kulanka ayaa ku biloowdey dar dar weerar iyo weerar celis waxaana dhinacyadu ay sameeyeen isku dayo ay ku donayeen in midba midka kale hogaanka uu ka qabto walow ay lumiyeen fursado goolal loo flan karay hadana wuxuu kulanku qeybtii koobaad kusoo dhamaaday ooo lagu kala nastay goolal la’aan 0-0.
markii dib loo soo laabtay ayaa waxaa halkii kasii socday weerarkii labada dhinac yo in fursado la aburo, waxaana kooxda Horseed u suurta gashay daqiiqadii 53-aad iney hogaanka qabtaan markii uu gool u saxiixay laacibkooda lambarka 15-aad Nuur Cumar Xeydar oo caawin fiican ka helay sxbkiis Farxaan Xiddig,, garsoore Maxamed Soomaali ayaa kaarka digniinta ah siiyey Goolhaye Hanad Cumar iyo Suleymaan Sayid Cali oo Heegan katirsan,
Kooxda Heegan ayaa sameeysay dadaal xoogan taasoo dhamaadkii kulanka ugu suurta gashay iney soo celiyaan goolkii lagu lahaa, markii daqiiqadii 92-aad uu ciyaaryahan Suleymaan Sayid Cali dhaliyey gool sheekada ka dhigtay garbo sman, hase yeeshee garsoore Maxamed Soomali ayaa u taagay Kaarka Guduudka ee ciyaarta looga saaray markii Jaalihi labaad uu qaatay sidaana kulanku wuxuu kusoo dhamaaday 1-1.