SAWIRRO: Kooxda K/Cagta Muqdisho City Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaartay Naadiga Jeenyo Kulan Ka Tirsanaa S.P.L
Kooxda kubadda cagta Muqdisho City ayaa galabta sii dheereysatay dhibcaha hoggaanka horyaalka Somaali Premier League kadib markii gool waqti dambe yimid ay kaga adkaadeen kooxda kubadda cagta Jeenyo.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka Muqdisho Stadium, waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo taageerayay labada dhinac, iyadoo qaybtii hore ee kulanka labada kooxood ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan oo lisku mari waayay 0-0.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda kubadda cagta Muqdisho City waxey la soo laabteen qaab ciyaareed weerar ah xil Jeenyo ay muujiyeen iney iska difaacaan weerarada kaga imaanayay dhanka MCC, weeraryahankii hore ee Jeenyo Feysal Xasan Xaashi balse hadda u ciyaaro kooxda MCC ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa daqiiqadii 68-aad kadib caawin uu ka helay Kamaara Sidu Kamaara wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 oo hoggaanka ay kula warreegtay kooxdiisa MCC.
Hase yeeshee kooxda kubadda cagta Jeenyo oo laga filan karay gool daqiiqad walbo ayaa iska soo barbareeyeen goolka uu ka dhaliyay laacibkoodii hore Feysal xasan Kadib kubad uu garabka midig ka soo difaacay daafaca MCC Stephane uu iska dhaliyay isagoo islahaa banaanka u saar goolhaye C/raxmaan Mahdi Maaney daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta goolkaasi ayaa ka dhigay kulanka 1-1.
Wax walbo waxey isbadaleen markii uu ka farxiyay taageerayaasha kooxda MCC weeraryahanka dhawaangalka ah ee ku soo biiray kooxda MCC una xirto lambarka 9-aad Demark Olivier oo kulankiisa ugu horreeyay beddal ku soo galay qaybtii labaad uu shabaqa kooxda Jeenyo ku hubsaday gool uu caawiyay C/casiis Catoos daqiiqadii 90-aad waxuuna yimid goolka xili saddex daqiiqo lagu daray ciyaarta, natiijada kulanka ayaana ku soo dhamaatay 2-1 ay ku adkaatay kooxda MCC taas oo ahayd guul ay aad ugu baahnaayen.
Garsoore Cumar Cartan oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay kaarka hurdiga ama digniinta illaa 3-kaar uu kala siiyay labada kooxood kaarkii ugu horreeyay ee ciyaarta ayaa loo taagay ciyaaryahanka kooxda Jeenyo Saciid Cabdi Salaad daqiiqadii 25-aad qaybtii hore ee ciyaarta waana kaarka kaliya ee loo diiwangaliyay Naadiga Jeenyo, halka kooxda Muqdisho loo taagay Axmed Cabdulaahi Baanu daqiiqadii 59-aad iyo Xasan Santoos oo la siiyay 78 daqiiqo qaybtii labaad ee kulanka.
Si kastaba guusha ay gaartay kooxda MCC ayaa ka dhigan iney sii hoggaamin doonaan horyaalka iyagoo leh 29-dhibcood halka kooxda Jeenyo ay ku sii jiri doonaan kaalinta 5-aad iyagoo leh 16-dhibcood horyaalka heerka koowaad ee dalkeena S.P.L
WQ/Daacad