SAWIRRO: Kooxda Kubadda Cagta G/Afrika Oo Gaartay Guusheydii Ugu Horreysay Horyaalka S.P.L
Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Dekaddaha & Geeska Afrika kana tirsanaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad Somali Premier League, ayaa galabta lagu ciyaaray garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.
Labada kooxood ayaa qaybtii hore ee kulanka soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan, walloow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac, hase yeeshee fursadii ugu halista badneed waxey soo martay weeraryahanka kooxda Dekaddaha Adelaani Yuusuf daqiiqadii 34-aad taas oo dhinac martay goosha kooxda Geeska Afrika, qaybtii hore ee cayaarta ayaa lisku mari waaya 0-0.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka kooxda kubadda cagta ee Dekaddaha oo la soo laabatay qaab cayaareed weerar ah ayaa la warreegtay hoggaanka cayaarta kaddib gool uu u saxiixay weeraryahankooda Anwar Siid Cali Shakundha daqiiqadii 51-aad kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiisa Adelaani Yuusuf.
Hase yeeshee kooxda kubadda cagta Geeska Afrika ayey ku qaadatay iney iska soo barbareeyaan goolka looga naxsaday labo daqiiqo waxaana ay heleen gool kulaad kaddib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay lambarka 10-aad Nageeye Deeq daqiiqadii 53-aad ee cayaarta, gool kulaadkaasi waxaa gool u beddalay lambarka 18-aad Cabduraxmaan Axmed Cabddulle oo kulanka ku soo celiyay 1-1.
Wixii intaa ka dambeeyay cayaarta ayaa ku socotay weerar iyo weerar celis, daqiiqadii 88-aad naadiga Geeska Afrika ayaa heshay goolkii labaad ee cayaarta waxaana u saxiixay lambarka 11-aad Mustaf Ibraahim Cali oo galabta u suurtagaliyay in kooxdiisa ay gaarto guusheydii ugu horreysay 11-kulan ay cayaareen horyaalka S.P.L.
Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay illaa iyo saddex kaar oo ah kaarka digniinta waxaana labo kamid la siiyay cayaartoyda Geeska Afrika, kaarkii ugu horreeyay waxaa la siiyay lambarka 22-aad Cumar Maxamed Cumar daqiiaadii 23-aad, kaarka labaad waxaa loo taagay lamabarka 5-aad Maxamed Maxamuud Cali daqiiqadii 86-aad, dhanka kooxda Dekaddaha kaliya hal kaar ayaa loo diiwangaliyay waxaana qaatay lambarka 2-aad Muxudiin Aweys daqiiaadii 87-aad qaybtii labaad ee kulanka.
Ugu dambeyntij guusha ay gaartay kooxda kubadda cagta Geeska Afrika ayaa ah guushii ugu horreysay tan iyo biloowgii horyaalka 11-kulan ay cayaareen waxeyna fadhiyaan kaalinta 10-aad iyagoo leh 5-dhibcood halka kooxda kubadda cagta Dekaddaha oo ku jirto kaalinta 6-aad ay min 12-dhibcood ay wadaagaan naadiga Gaadiidka waxaana tirsiga goolasha ugu sii jiri doonto kooxda Dekaddaha.
WQ/Daacad