SAWIRRO: Kooxda Elman Fc oo guul dirqi ah ka gaartay dhigeeda Raadsan horyaalka S.P.L
Kooxaha Kubadda Cagta ee Elman iyo Raadan ayaa garoonka Muqdisho ku wada ciyaaray kulan kutirsanaa wareegga labaad gaar ahaan todobaadka 12-aad waxana kulankoodu uu ku biloowdey weerar iyo weerar celis, iyadoo kooxda Elman ay qeybtii hore Muujisey dar dar xoogan markii daqiiqadii 9-aad uu hogaanka u dhiibey weeraryahankooda xirta Lambarka 93-aad ee maxamed kylan kaasoo caawin ka helay sxbkiis Xamza,
Labo daqiiqo kadib Elman ayaa hogaanka sii dheersatay Waxaana gool 2-aad oo banaanka diilinta ganaaxa laga soo toogtay u saxiixay Ciyaaryahankooda Lambarka 5-aad Mahad baRre daqiiqadii 11aad, waxana xusid mudan in Labada ciyaaryahan oo horey usoo maray kooxda Raadsan ay xushmad u muujiyeen kooxdooda hore maadaama aysan ku dabal degin, waxaana qeybtaasi koobaad lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen kooxda Elman Fc.
Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayuu tababaraha kooxda Raadsan C/weli maxamed Maxamuud (Cabdi-Joon) waxaa uu keenay Jibriil Xasan fariid oo lambarka 10-aad u qaata Raadsan, hase yeeshee waqti badan kuma qaadan Elman iney hogaanka sii dheeraan oo ay markale tagaan shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Yuusuf Lambaza, waxaana daqiiqadii 47-aad markale u dhaliyey Elman Maxamed Kylan kadb khalad uu galay daafaca lambarka 23aad ee Raadsan ciyaaaryahan Efeyni,
Kooxda Raabdsan ayaan is dhiibin wallow sheekada lagu dheereeyay dadaal ay sameeyeen kadib waxaa u suurtagashay iney helaan Gool-Kulaad daqiiqadii 77-aad markii daafaca Elman Muwenda uu xerada ganaaxa ku jalaafay weeraryahan Jibriil Fariid isla isaga ayaana Gool u bedelay, wixii uu kulanku kusii socdaba weerar iyo is difaacis kooxda Raadsan ayaa markale Shabaqa gaartay markii daqiiqadii 82-aad Ciyaaryahankooda xirta lambarka 28-aad C/Raxmaan Saalax uu u dhaliyey gool kale oo la oran karay wuxuu rajo geliyey Raadsan iyo Taageerayaasheeda, hase yeeshee ma aysan helin mdkii bar bar dhaca oo kulanku wuxuu kusoo dhamaaday 3-2 oo ay guushu ku raaacday Elman Fc,
Garsooraha Ciyaarta Xassan Maxamed Xaaji (Baari) ayaa bixiyey 2 kaar oo digniin ah, waxaana qaatay ciyaaryahan ada kooxda Elman gaar ahaan goolhaye C/Raxmaaan Maanka iyo daafaca lagu magacaabo Muwenda oo lambarka 28-aad xirta, waxaa dhaawac lagu bedelay ciyaaryahanka lambarka 20-aad Elman Cabdi wahaab aweys waxaana lagu beddalay Jamaal oo lambarka 22aad qaata,
Kooxda Elman ayaa guushan uga dhigan guusheedii 4-aad ee tartanka iyagoo hadda kursiga 6-aad la fadhida 14-dhibic 12-kulan oo ay dheeshay halka Raadsan ay guul daradaan u tahay middii 2-aad ee kasoo gaarta tartanka iyagoo weli kuriga 3-aad joogta waxayna leeyihiin 22-dhibcood.