Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking NewsHORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda kubadda Cagta Heegan Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Hoggaamiyaasha Horyaalka S.P.L

Cayaartan oo u dhexeesay kooxaha kubadda cagta Heegan iyo Muqdisho City ayaa galabta lagu cayaaray garoonka Muqdisho Stadium, kulankan oo ka tirsanaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somaali Premier League kulamadii 12-aad, waxaa u soo daabasho tagay taageerayalaad u badan oo kala taageerayay labada dhinac oo ka kala yimed dhammaan degmooyinka kala duwan ee gobalka banaadir.

Weeraryahankii hore kooxda MCC Abdikaadir Eynoow Bentake oo hadda u cayaaro naadiga Heegan ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa heegan daqiiqadii koowaad oo mareyso (57-ilbiriqsi) kaddib caawin uu ka helay daafaca ajnabiga ah ee kooxda heegan Henry Kamaara, qaybtii koowaad ee kulanka ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hoggaamineysay Kooxda Heegan.

Dhanka kale kooxda kubadda cagta MCC ayey soo mareen, qaybtii hore fursado halis ku ahaa naadiga heegan waxaana labo kamid ah fursadahaas ka faa”iideysan waayay Feysal Xasan Xaashi halka kubad uu meel fog ka soo toogtay Siduba Kamaara ay dhinac martay goosha kooxda heegan.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta kooxda kubadda cagta MCC waxey weeraro is daba joog ah ku qaadeen shabaqa kooxda Heegan, hase yeeshee isku xirnaan dhan walbo ay sameeyeen cayaartoyda kooxda heegan waxey iska caabiyeen weeraradaasi kaga imaanayay hoggaamiyaasha horyaalka MCC, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda kubadda cagta heegan.

Garsoore Cumar Cartan oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay illaa iyo 6-kaar oo labo kamid ah ay ahaayeen kaarka guduudan kooxda MCC waxaa la siiyay kaarka digniinta lambarka 10-aad Feysal Xasan Xaashi daqiiqadii 24-aad, qaybtii hore sidoo kale lambarka 6-aad Cali Cumar ayaa isna la siiyay daqiiqadii 75-aad, halka kaarka guduudan loo taagay lambarka 5-aad Axmed Abdullaahi Baanu daqiiqadii 93-aad waxaana sidoo kale markii ay cayaarta dhammaatay la siiyay kaarka guduudan Macalinka Kooxda MCC Maxamed Lamjad kaddib markii uu la murmay garsoore Cumar Cartan.

Dhanka kooxda Heegan waxey qaateen labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana kala qaatay lambarka 99-aad Cabdicasiis Safimaayo daqiiqadii 29-aad iyo Goolhaye Hanad Cumar oo xirto lambarka 31-aad daqiiqadii 89-aad ee kulanka.

Guusha ay gaartay kooxda Heegan ayaa ka dhigan iney hadda ku jiraan booska 2-aad ee kala sareynta horyaalka S.P.L iyagoo leh 24-dhibcood, halka naadiga kubadda cagta Muqdisho City ay sii ahaan doonaan hogaamiyaasha horyaalka iyagoo leh 29-dhibcood Somaali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of one or more people, people standing and people playing sport
May be an image of 3 people, child, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 3 people, people standing, people playing sport and text that says "เดŸ ASTN HEEGAN HEEGAN FC HEEGAN HEEAN ้‡‘ www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"
May be an image of 2 people, people standing, people playing sport and outdoors
May be an image of 2 people, people playing sport, outdoors and text
May be an image of 3 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 1 person, playing American football and text
May be an image of one or more people, people standing, people playing sport and text
May be an image of 1 person, playing a sport, outdoors and text
May be an image of 2 people, people playing sport, grass and text
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text that says "แ€„ ATA SPORTS HEEGANFC HEEGA ๆˆ‘ www.astaansports.com @astaansports Astaan Sports @astaansports Astaan Sports"May be an image of one or more people, people standing, people playing sport and text
May be an image of one or more people, outdoors and crowd

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button