Breaking NewsELMANHORYAALADASomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Kooxda Midnimo oo Dharbaaxo kulul huwisey Dhigeeda Elman Fc Kulankoodii Galabta S.P.L

 Kooxaha kubadda cagta Midnimo iyo Elman ayaa garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho ku wada ciyaaray kulan kutirsan wejiba labaad horaaylka sare ee dalka xfasal ciyaareedka 2020-21, kulankaa oo ay kasoo qeybgaleen taageerayaasha labada naadi, waxaana uu kulanku ku biloowday weerar iyo weerar celis.

Kooxda Midnimo ayaa ugu horeyntii shabaqa gool la heshay daqiiqadii 45-aad ee qeybta koobaad, waxaana u saxiixay laacibkooda lambarka 7-aad u xirta ee lagu magacaabo Mahad Maxamed Xalane, garsooraha ciyaarta ayaa qeybtaasi koobaad bixiyey caalamadda digniinta ee jaalaha, waxaana daqiiqaddii 10-aad la siiyey ciyaaryahanka Midnimo ee lambarka 10-aad Mahad Maxamed,

Qeybta hore waxaa lagu kala nastay qeybtaasi koobaad 1-0 oo ay kooxda Midnimo hogaanka ku heeysay, markii dib loo soo laabtay ayey kooxda Elman sameeysay isku dayo ay ku dooneysay iney kusoo celiso deynta lagu lahaa, wallow dhanka Midnimo ay sidoo kale sameeysay weeraro dhowr ah, daqiiqaddi 50-aad ayey markale kooxda Midnimo shabaqa gaartay waxaana markale Elman ka nixiyey lambarkii 7-aad Mahad maxamed Xalane oo sheekada ka dhigey 2-0,

Dadaalo ay sameeyeen kooxda Elman ayey ugu suurtageli weeysay in xitaa ay gool soo celiyaan, waxaana xusid mudan in garsooraha kulanka Xasan Maxamed Xaaji (Xassan Baari ) uu kaararka digniinta u taagay ciyaartoyda kala ah, Lambarka 24-aad Yaxye Xaaji, Lambarka 34-aad Bilaal Maxamed,waxaa sidoo kale xusid mudan in kooxda Elman jaale uu ka qaatay Lambarka 5aad Mahad Barekaasi oo seegi doona kulanka soo socda.
Goolkii 2aad Midnimo,

Natiijadaan ayey kooxda Midnimo ka dhigeysaa iney soo fariisatay kursiga Lixaad kala sareeynta iyadoo kasoo dul booday Gaadiidka,Dekedaha iyo Elman-ta ay garaacday waxayna leedahay 15-dhibic 13 kulan oo ay dheeshay, halka kooxda Elman ay u soo dhacday kursiga 7-aad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button