SAWIRRO: Kooxda Kubadda Cagta Raadsan Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Naadiga G/Afrika S.P.L
Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Raadsan iyo Geeska Afrika kana tirsanaa wejiga labaad horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somali Premier League ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubadda cagta Stadium Muqdisho.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay qaab cayaareed aad u wanaagsan walloow ay jireen fursado ay abuureen labada dhinac, kooxda kubadda cagta Raadsan ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay daqiiqadii 11-aad kaddib gool uu dhaliyay lambarka 9-aad Brian Mugisha caawin uu ka helay saaxiibkiisa Maxamed Khaliif waana goolkiisa ugu horreeyay uu u dhaliyo kooxda Raadsan Brian Mugisha tan iyo markii uu Raadsan kaga soo biiray naadiga Horseed wejiga labaad ee horyaalka.
Garsoore Cabdi Fitaax Saciid ayaa cayaarta ka saaray lambarka 7-aad ee kooxda Geeska Afrika C/qaadir Khaliif daqiiqadii 28-aad ee kulanka, qaybtii koowaad ayaana lagu kala nastay 1-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda Raadsan.
Marka dib la isgu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta kooxda kubadda cagta Geeska Afrika waxey muujiyeen dadaal xoogan iyagoo ku cayaarayo 10- cayaaryahan hase yeeshee uma suurtagalin iney wax gool ah dhaliyaan, waxaana quusiyay cayaaryahanka lambarka 21-aad Xasan Cusmaan oo beddal ku soo galay cayaarta kaas oo dhaliyay labo gool oo ah goolashiisa ugu horreeyay uu u dhaliyo kooxdiisa Raadsan daqiiqadihii 71-aad iyo daqiiqadii 82-aad waxaana natiijada cayaarta ay ku soo dhammaatay 3-0 ay ku adkaatay kooxda kubadda cagta Raadsan.
Garsoore Cabdi Fitaax Saciid ayaa bixiyay 4-kaar oo ah kaarka digniinta iyo hal kaar oo ah kaarka guduudan, kooxda kubada cagta G/afrika waxaa kaarka digniinta loo taagay cayaartoyda kala ah lambarka 6-aad C/rashiid Rashka daqiiqadii 25-aad iyo lambarka 21-aad Hanad Siyaad daqiiqadii 68-aad, halka kaarka guduudan laga siiyay lambarka 7-aad C/fitaax khaliif daqiiqadii 28-aad qaybtii hore.
Dhanka kooxda Raadsan waxaa loo taagay calaamada digniinta lambarka 5-aad Maxamed Khaliif daqiiqadii 56-aad iyo cayaaryahanka lambarka 25- aad Donato Okelo oo loo taagay daqiiqadii 87-aad.
Guusha ay gaartay galabta kooxda kubadda cagta ee Raadsan ayaa ka dhigan in min 25-dhibcood ay wada leeyihiin naadiga Horseed hase yeeshee Horseed ayaa farqiga goolasha kaga sareyso kaalinta 2-aad kooxda Raadsan halka kooxda Geeska Afrika ay ku jirto kaalinta 10-aad ee kala sareynta horyaalka Somali Premier League.
WQ/Daacad