Breaking News

SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Raadsan oo Samaysay Diyaargroow Ka Hor kulanka Ay Wajahayaan Naadiga Jeenyo S.P.L.

Kooxda kubbadda cagta Raadsan ayaa ku jirto diyaar garoow xoogan ka hor kulanka xiisaha badan ay la cayaari doonaan naadiga Jeenyo lugta labaad ee horyaalka heerka koowaad ee dalkeena Somali Premier League.

Kooxda kubbadda cagta Raadsan oo ku jirto kaalinta saddexaad ee kala sareynta horyaalka S.P.L ayaa leh 25-dhibcood waxeyna dhibcaha wadaagaan Naadiga horseed oo galabta la cayaari doontoKooxda Elman SC.

Naadiga raadsan oo sanadkaan uu  hoggaaminayo macalin Cabdi Joon ayaa tartan adag kula jirto kooxaha MCC Horseed Iyo Heegan oo ah kooxaha ku loolamayo hanashada horyaalka Somali Premier League, waxaana xusid mudan in kooxda raadsan fasal cayaareedkaan ku soo laabatay horyaalka heerka koowaad ee dalka iyagoo haatan  kamid ah kooxaha kaalmaha sare ee horyaalka u tartamayo.

Si kastab naadiga Raadsan ayaa maalinta beri oo arbaco ah la cayaari doonto kooxda Jeenyo labada kooxod ayaa kulankii hore ku kala baxay barbaro dhac 1-1 ah cayaar dhacday 18/02/2021 lugta hore ee horyaalka Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 2 people, people playing sport, people standing and grass
May be an image of 1 person, playing American football, standing, grass and text
May be an image of 2 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, standing, playing American football, grass and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass
May be an image of 1 person, standing, playing American football and grass
May be an image of 1 person, playing American football, standing and grass
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing and text
May be an image of 6 people, people standing, people playing American football and grass
May be an image of 6 people, people playing sport, people standing and outdoors

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button