Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
HORYAALADAJEENYOSomali premier leagueSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Natiijada kulankii adkaa ee kooxaha Midnimo & Jeenyo ee Horyaalka S.P.L

Kooxaha Kubbadda cagta ee Midnimo FC iyo Jeenyo ayaa wada ciyaaray kulan ciyaareed qeyb ka ahaa todobaadka 15-aad ee wejiga labaad horyaalka sare ee Somali Premier league 2020/21, kaasi oo ka dhacay garoonka Stadium Muqdisho ayna u xaadireen taageerayaasha labada kooxood, waxaana kulankoodu ku biloowdey weerar iyo weerar celis maadaama ay guul mid waliba u oomaneeyd,

Kooxda Jeenyo ayaa daqiiqadii toddobaad heshay fursad goolhayaha lala dhaafay laakiin dibadda ayey u baxday oo lagama faaideysan in la dhameystiro, sidoo kale kooxda Midnimo ayaa sameeysay isku dayo dhowr oo ay dhankeeda ku dooneysay iney hogaanka ugu qabato kulanka, hase yeeshee qeybtaasi koobaad waxaa lagu kala tegey goolal la’aan 0-0.

markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayey sidoo kale aad isku weerareen labada kooxood waxaana xusid mudan in labada goolhaye ay badbaadiyeen fursado goolal looga dhalin karey hase yeeshee daqiiqadii 88-aad ayey suurtagashay kooxda MIDNIMO iney hogaanka u qabato ciyaarta markii uu goool aad u qurux badan u dhaliyey CABAAAS GEESEEY oo bedel kusoo galay, kubad aan dhulka dhicin ayuuna ka laaday diilinta ganaaxa dhexdeeda taasi oo ka baxsatay gool celiyaha kooxda Jeenyo sidaa ayaana 1-0 waxay guushu ku raacday kooxda MIDNIMO.

Guusha kooxda Midnimo waxay ka dhigeysaa iney soo fariisato kaalnta 5-aad dhinaca kala sareynta iyagoo hadda 15-kulan uruursadey 21-dhibcood, halka Jeenyo ay kursiga 7-aad la fadhiso keliya 17-dhibcood, garsooraha ciyaarta KAAAFI SHIINE ayaa bixiyey 2 kaar digniin oo labada dhinac ay kala qaateen mana jirin kaar Guduud ah oo la bixiyey.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button