Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking News

SAWIRR: Elman SC Oo Halis Ugu Jirto Iney U Dhacdo Horyaalka Heerka 2-aad Guuldarro ka Soo Gaartay Naadiga Heegan S.P.L.

Cayaartan oo u dhexeysay kooxaha kala ah Heegan & Elman kana tirsanayd wareegga labaad ee horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League tudabaakii 16-aad ayaa lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium, waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.

Kulanka ayaa ku bilaawday weerar iyo weerar celis labada kooxood ayaa soo bandhigay cayaar aad u qurux badan waxaana qaybtii koowaad oo sii dhamaaneyso gool la timed naadiga Heegan goolkaasi waxaa u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 22-aad Luqawata daqiiqadii 45-aad, caawin uu ka helay saaxibkiisa Maxamed C/raxmaan goolkaasi ayaana lagu kala nastay qaybtii koowaad ee kulanka.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybta labaad ee cayaarta labada kooxood waxey la soo laabteen cayaar awood ahaan garbo siman waxaana jiray fursado ay abuureen labada dhinac, daqiiqadii 71-aad ee kulanka naadiga Heegan cayaaryahankooda khadka dhaxe lambarka 8-aad Cabdifitaax Idiris ayaa u saxiixay goolkii labaad kooxdiisa goolkaasi oo ahaa mid niyada ka jabiyay cayaartoyda kooxda Elman SC oo dardar xoogan la soo laabteen qaybtii labaad,hase yeeshee daqiiqadii 97-aad oo ah daqiiqadii ugu dambeesay ayey dhaliyeen gool Xiddigaha kooxda Elman waxaana u dhaliyay lambarka 99-aad Cabdikariim Cumar goolkaasi oo ahaa mid uu ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa, Natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-1 ay ku adkaatay Kooxda kubbadda cagta Heegan.

Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire oo ahaa garsooraha kulankan ayaa bixiyay kaarka digniinta saddec kaar waxaana naadiga Elman loo taagay xiddigaha kala lambarka 18-aad Maxamuud Jeele daqiiqadii 42-aad iyo lambarka 24-aad Ayaanle Good daqiiqadii 56-aad dhanka naadiga Heegan kaliya waxaa loo diiwaangaliyay hal kaar oo digniin ah waxaana qaatay goolhaye Hanad Cumar daqiiqadii 87-aad ee kulanka.

Guusha ay gaartay kooxda Heegan ayaa ka dhigan iney kaalinta saddexaad kala baxeen naadiga Raadsan iyagoo leh 30- dhibcood halka guuladarada soo gaartay Elman SC ay halis ugu jirto iney u dhacaan horyaalka heerka labaad iyagoo leh 14-dhibcood kuna jiraan booka 9-aad ee kala sareynta horyaalka Somali Premier League.

WQ/Daacad

May be an image of 3 people, people playing sport, people standing and grass
May be an image of 3 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 5 people, people standing, people playing American football, grass and text
May be an image of 4 people, people standing, people playing sport and outdoors
May be an image of 3 people, people playing American football and people standing
May be an image of 1 person, playing a sport and standing
May be an image of 3 people, people playing sport and people standing
May be an image of 2 people, people playing American football, people standing, grass and text
May be an image of 3 people, people playing American football, people standing and text
May be an image of 1 person, playing American football, standing, outdoors and text
May be an image of 6 people, people standing and people sitting

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button