SAWIRRO: Kooxda Kubbadda Cagta Elman SC Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Naadiga Geeska Afrika Kulan Ka Tirsanaa S.P.L.
Kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa guul muhiim ah ka gaartay naadiga Geeska Afrika kulan cayaareed qayb ka ahaa wejiga labaad ee horyaalka heerka koowaad dalkeenna Somali Premier League, kulankan oo lagu cayaaray garoonka Stadium Muqdisho, waxaana u soo daabasho tagay taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada dhinac.
Naadiga Elman SC ayaa la warreegtay hoggaanka cayaarta daqiiqadii 11-aad kaddib gool uu u dhaliyay lambarka 93-aad Maxamed Kylan caawin uu ka helay saaxiibkiisa Nuur Iraad, kooxda kubbadda cagta Elman ayaa hoggaanka cayaarta sii dheereysatay kaddib markii diilinta ganaaxa lagu jilaafay cayaaryahanka kooxda Elman Nuur Iraad, waxaana qaladkaasi galay daafaca naadiga G/afrka Maxamed Maxamuud gool-kulaadka laga dhigay G/afrika waxaa gool u beddelay Maxamed Kylan oo goolkiisa labaad u dhaliyay naadiga Elman SC daqiiqadii 15-aad, qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 2-0 ay hoggaanka ku haysay kooxda Elman SC.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta weeraryahanka kooxda Elman SC Maxamed Kylan ayaa dhaliyay goolkiisa saddexaad daqiiqadii 48-aad kaddib caawintii saddexaad uu ka helay lambarkar 11-aad Nuur Iraad hase yeeshee waxaa goolkii afaraad sii raacsaday lambarka 33-aad Cumar Axmed daqiiqadii 64-aad kaas oo cayaarta beddal ku soo galay, waxaana ka caawiyay Nuur Iraad bandhiga goolasha Naadiga Elman waxaa soo gebagabeeyay lambarka 15-aad Maxamed Xasan Cali daqiiqadii 71-aad waxaana ka caawiyay Nuur Iraad oo sameeyay cawiintii 5-aad ee kulanka waana markii ugu horreysay hal cayaaryahan uu sameeyo shan caawin Fasal cayaareekan 2020/2021 S.P.L.
Dhanka kale cayaartoyda kooxda Geeska Afrika ma abuurin fursado halis ku ahaa naadiga Elman SC Natiijada cayaarta ayaa ku soo dhmmaatay 5-0 ay ku adkaatay kooxda Elman, Garsoore Cabdullaahi Xaaji oo ahaa garsooraha cayaarta ayaa bixiyay labo kaar oo ah kaarka digniinta waxaana kooxda Geeska Afrka loo taagay lambarka 5-aad Maxamed Maxamuud daqiiqadii 15-aad halka naadiga Elman uu qaatay lambarka 6-aad Nuune Haashime daqiiqadii 71-aad.
Si kastaba guusha ay gaartay naadiga Elman SC ayey u aheyd guul ay baahi weyn u qabeen waxeyna kaalinta 8-aad kala baxay naadiga Jeenyo walloow labada kooxood ay wadaagaan min 17-dhibcood hase yeeshee Naadiga Jeenyo ayaa maalinta khamiista la cayaari doonto kooxda Gaadiidka haddii ay adkaadan ama ay barbaro galaan Elman kaalinta 8-aad ayey ku laaban doonaan haddiisa laga adkaado Jeenyo booska 8-aad ayey ku jiri doonaan, waxaana xusid mudan in kooxaha Jeenyo iyo Elman ay wada cayaari doonaan kulankooda ugu dambeeyo ee horyaalka Somali Premier League.
WQ/Daacad