Breaking NewsGeneral DaauudWARARKA MAANTA

YAA BADIYEY KULANKII GAADIIDKA & BADBAADO EE KOOBKA JEN.DAA’UUD 2020

Kooxaha Kubadda Cagta ee  Gaadiidka iyo Badbaado oo ku jira Group-ka B ayaa wada ciyaaray kulankooda labaad ee Koobka Jeneraal Daa’uuud, waxayna labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u adkeyd oo ka dhacday garoonka Jaamacadaha degmada Hodan Gobolka Banaadir.

Labada Koox oo ay ka muuuqatay Diyaar garoow aad u sareeysay ayaa kulankoodu ahaa mid adag oo koox waliba ay ku dooneysay iney hesho guushii ugu horeeysay ee tartanka maadaama min 1 dhibic keliya ay soo qaateen kulamadii koobaad, hase yeeshee kooxda  Gaadiidka ayaa gool heshay daqiiqadii 38-aad, laakiin dhanka BADBAADO ayaa heshay gool kulaad ay sheekada kaga dhigtey 1-1 daqiiqadii 44-aad waxaana qeybtaasi lagu kala nastay 1-1

Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayaa waxaa kooxda GAADIIDKA ay heshay gool kale oo hogaanka u dhiibay daqiiqadii 59-aad waxaana u saxiixay xiddigooda Lambarka 14-aad, waxay ciyaartu sii socotaba waxaa markale Gaadiidka ay sii dheereeyeen hogaanka kulanka daqiiqadii 89-aad, laakiin waxaa markale dhamaadkii ciyaarta gool kale soo celiyey Lambarka 19-aad ee kooxda BADBAADO  sidaana kooxda GAADIIDKA guushu ku raacday 3-2.

kulamada kale ee xiga ee ugu danbeeya dhanka Group-ka  GAADIIDKA  oo 4 dhibic wadata,waxay wajihi doontaa G-AFGOOYE halka kooxda BADBAADO ay is arki doonaan kooxda MUQDISHO CITY waxayna kulamadaasi dhici doonaan 5-da bishan Oktoobar  insha allaah.

Tartankan Koobka Gen-Daa’uud ayaa ah Koob ay ku Xisaabtamaan kooxaha Dalka iney ku guuleystaan, waxaana ka qeybgala kooxaha kaalimaha hore kasoo gala horyaalada kala duwan, iyadoo sanadkan ay ka qeybgalayaan ilaa 16-kooxood, oo loo qeybiyey 4 Group,

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button