Breaking NewsHORYAALADASportsTechnologyUncategorizedWARARKA MAANTA

Vincent Kompany Oo xulka Belgium ee ciyaarya isreebreebka Euro 2020

Vincent Kompany ayaa dib loogu  yeeray xulka Belgium ka qeybgalaya Euro 2020 ee isreebreebka ayagoo wajahaya Kazakhstan iyo Scotland.

33 jirkaan ayaa Axadii ku dhawaaqay inuu ka tagayo Manchester City ,asiga oo  dib ugu laabanaayo  Anderlecht isagoo tababare noqdondoon.

Ma uusan u ciyaarin Belgium tan iyo bishii November 2018 laakiin waxa uu ahaa mid si joogta ah ugu ciyaaray  City  seddexda xilli ciyaareed ee ugu dambeesay.

Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa yiri: “Waxaa lagu soo xulan doonaa shaqsi ahaan, mana ahan tababare, wuxuu sameyn doonaa wax walba si uu u gaaro Euro 2020”.

Red Devils ayaa la ciyaari doonta Kazakhstan Sabtida, 8da June, ka hor inta aan la kulmin Scotland seddex maalmood ka dib, labada kulan ee ka dhacaya magaalada Brussels.

Vincent Kompany: Kabtanka Man City ayaa sheegay inuu ogaa in ay guuleesan doono,ka dib goolkii  Leicester uu ka dhliayay.

Kompany ayaa ku soo biiray kooxda da’da yar ee Anderlecht ka hor inta uusan u dhaqaaqin Hamburg 2006dii, waxaana uu ku soo laaban doonaa heshiis seddex sanno ah xagaaga soo aadan.

 

“Kubada casriga ah ma fududa in la isku daro shaqada tababaraha iyo ciyaarta” ayuu Martinez hadalkiisa raaciyay.

“England gudaheeda waxay leeyihiin dhaqan ceynkee ah, laakiin waa yaraa sababtoo ah shaqada tababaraha ayaa si aad ah u doonaya.

“Waa inaan waqti siinnaa, waan taageeri doonaa wax walba oo uu sameynayo.”

Ciyaaryahanka Manchester City Kevin de Bruyne, Weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Borussia Dortmund Axel Witsel ayaa sidoo kale ku soo laabtay ka dib markii ay seegeen guulihii isreebreebka Koobka Adduunka ee Russia iyo Cyprus bishii March, taasoo u dhigtay kooxda heerka labaad ee Belgium.soo laabteen.

Daafaca Tottenham Jan Vertonghen ayaa loo magacaabay 28-ciyaartoy oo xulka u ciyaaraya, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray canqowga ka hor kulankii finalka Champions League ee ay la ciyaareen Liverpool Sabtida, 1da June.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button