SAWIRRO: Furitaanka horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier Legue.

Waxaa si rasmi ah u furmay horyaalka heerka koowaad ee Somali Premier League xilli ciyaareedka 2023/24, iyadoo kulanka furitaanka ay wada ciyaareen kooxaha Badbaado & Jazeera SC.
Kulanka furitaanka waxaa ka soo qayb-galay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Muddane Cali Shiine iyo Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha Muddane Maxamed Bare iyo xubno ka socday XKCS.
Ciyaarta furitaanka ciyaareedka cusub 2023/24, ayaa dhexmartay kooxaha Badbaado & Jazeera SC waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan iyadoo natiijada kulanka ay ku soo dhammaatay 2-0 oo ku adkaatay kooxda Badbaado.
Horyaalka heerka koowaad xilli ciyaareedka cusub 2022/23, ayaa ah mid aad u adag waxaana dhammaan kooxaha ka qayb-galayo ay sameyeen is beddelo dhanka ciyaartoyda & macalimiinta.














