Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking NewsHORYAALADASOOMAALIYASportsUncategorizedWARARKA MAANTA

 Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo Direysyo ku Wareejisay Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Ibraahim Koodbuur & Safar Dalxiiseed Magaaladda Berbera lagu Geyn doono

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta Maamulka iyo Macallimiinta labaddii Degmo ee Finalkii Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019 iskugu yimid guddoonsiiyay Direysyo dhammeystiran, oo uu Duqa Caasimadda Hargeysa ugu Deeqay labadda Degmo ee soo gaadhay Finalka, iyada oo sidoo kale loogu bushaareeyay in ciyaartoyda Degmooyinka Axmed Dhagax iyoIbraahim Koodbuur Safar Dalxiiseed lagu geyn doono magaaladda Berbera.

Xaflad kooban oo ka qabsoontay xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha, Xoghayaha Guud ee XKCSL, Isu-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Maroodi-jeex, Masuuliyiin ka kala socday Shirkaddaha Astaan Cable iyo True Cable,
Maamulka iyo Macallimiinta labadda Degmo iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee XKCSL Mr. Samatar Maxamed Cabdilahi, waxaana uu ka war-bixiyey tartankii iyo sidii uu qabsoomay iyo weliba dedaalka ay labadda Degmo ee Finalka iskugu yimid la yimaadeen.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Mr. Maxamed Nuux Jibriil iyo Isu-duwaha Gobolka Maroodi-jeex Mr. Cabdiraxmaan Jaamac Rooble (Shiine Karaaciin) oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inay Duqa Caasimadda Hargeysa uga mahad naqayaan Agabkan ciyaaraha ee uu ugu deeqay Axmed Dhagax iyo Ibraahim Koodbuur, sidoo kale waxay Astaan Cable, True Cable iyo cidkasta oo ka qeyb-qaadatay Tartanka Degmooyinka ku boggaadiyeen sidii quruxda badnayd ee ay ula shaqeeyeen.

Labadda Tababare ee kala hoggaaminayay labadda Degmo oo halkaasi ka hadlay ayaa si bisayl iyo ilbaxnimo leh dareenkooda ku cabirray, waxaana mid kasta uu mahad-naq iyo hamblayo u soo jeediyay Degmaddii kale iyo taageerayaashoodii. Cabdikariin iyo Maxamed Ibraahim ayaa sidoo dhanka kale Wasaaradda Ciyaaraha, XKCSL, Astaan Cable, True Cable iyo Ciidanka Booliska uga mahad-naqay doorkii shariifka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda Tartanka, iyagoo sidoo kalena soo jeediyay in
Tartamaddu noqdaan kuwo la joogteeyo.

Masuuliyiin ka kala socday Shirkaddaha Astaan Cable iyo True Cable oo iyaguna ka hadlay xafladan ayaa guud ahaanba uga mahad-celiyay Wasaaradda iyo XKCSL sida wanaagsan ee ay u wada shaqeeyeen, waxaana ay ka dhawaajiyeen inay markasta ay diyaar u yihiin taageeridda wax kasta oo dhallinyarada lagu horu-marinaayo oo ay ciyaaruhu ugu horeeyaan.

Ugu dambeyntii, waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Siciid (Khaawi), waxaana uu ku dheeraaday Tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa iyo doorkii uu ku yeeshay guud ahaanba dhallinyarada ku nool caasimadda kuwaas oo goobaha ay ku kulmaan doodihii siyaasadda ku bedalay tartankan. Agaasimuhu wuxuu kale oo uu xusay inay ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay inay tartamaddu ay noqdaan kuwa joogto ah, taasina ay ku iman karto ayuu yidhi in gacmaha la is wada qabsaddo.

Agaasimaha Guud waxaa kale oo uu xusay cid kasta oo kala Qeyb-qaadatay qabsoomidda tartanka Degmooyinka Caasimadda, waxaana uu labadda Degmo ciyaartoydooda iyo maamulkoodaba ugu bushaareeyay in Safar Dalxiiseed ay si wada-jir ah magaaladda Berbera ku geyn doonaan, taasna ay iska kaashadeen Wasaaradda iyo True Cable.

Gaba-gabaddii waxa uu Agaasimaha Guud uu shahaaddo sharafyo uu guddoonsiiyay labadda Shirkaddood ee Astaan Cable iyo True Cable, kuwaas oo qeyb laxaad leh ka qaatay qabsoomidda tartanka Degmooyinka Caasimadda Hargeysa ee 2019.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button