Bayern Munich oo si arxan daro ah uga reebtay Chelsea koobka Champions League xili Lewandowski ?
Bayern Munich ayaa la kulmi doonta Barcelona wareega 8da ee Champions League ka dib markii weeraryahan Robert Lewandowski uu awoodey in kooxdiisu celcelis ahaan 7-1 kaga badiyaan oo ay ku reebaan Chelsea.
Ka dib markii 3-0 kaga soo talaabsadeen lugtii hore ee Stamford Bridge dabayaaqadii Febraayo, ayey markale Bayern muujisey iney tahay awood loo saadaalin karo ku guuleysiga tartankan, sababtoo ah waxay si dhaqsi leh sheekada ka dhigeen in 5-0 celcelis ahaan ku soo bixi kareen keliya 25-daqiiqo markii uu kulanku socdey kadib markii Lewandowski – uu gool u sarifey rigoore loo dhigay -sidoo kale Ivan Perisic uu dhaliyay ka dhigey 2-0.
Chelsea oo markasta qalbiga ku heeysay iney joogto Allianz Arena ayaa gool soo celisey intii aan la aadin nasiino waxaana u saxiixey Tammy Abraham ka dib qalad aan caadi aheyn oo uu sameeyay goolhaye Manuel Neuer, laakiin Bayern ayaa si fiican u soo baxday.
Ciyaaryahanka Beddelka lagu keenay ee Corentin Tolisso ayaa ka dhigay celcelis ahaan 6-1 markii uu shabaqa ka soo taabtay Blues daqiiqadii 76aad weeraryahanka reer Poland Lewandowski, oo laga yaaban yahay xili ciyaareedkan ayaa todobo daqiiqo kahor dhamaadkii kulanka dhaliyey goolka afaraad sheekada ka dhigey 4-1 iyo 7-2 labada Lug.
Robert Lewandowski ayaa haatan 53 gool leh 44 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan, wuxuuna fure u noqdey guusha Bayern maadaama uu ku lug lahaa afarta gool labo gool uu dhaiyey iyo laba caawin, waxaana loo aqoonsadey Xiddiga kulanka (Man of the match).
Bayern ayaa haatan wajihi doonta Barca kulankeedii wareega sideed dhamaadka ee ka dhacaya Magaalada Lisbon ee Portuqal jimcaha.


