ELMAN IYO GAADIIDKA YAA USOO BAXAY NUS-DHAMAADKA KOOBKA JEN-DAA’UUD ?
Kulankii labaad ee Wareega Bux-baxda ama sideed dhamaadka koobka Jeneraal daa’uuud ayaa galanta waxaa lagu ciyaaray garoonka eng-yariisoow degmada c/casiis ee gobolka banaadir, waxaana kulanka uu u dhexeeyey kooxaha Elman iyo Gaadiidka iyadoo kulankoodu uu ahaa mid aaad u xiiso badan una adkaa.
Kooxda Elman ayaa sameeysay isku day ay ku dooneysay iney gool ku hesho daqiiadii 15-aad markaasoo goolhayah kooxda Gaadiidka uu badbaadiyey, sidoo kale kooxda gaadiidka ayaa isku dayo dhowr ah sameeysay, waxaana qeybtaasi hore labada dhinac gaar ahaan Elman ay sameeysay 2 bedel, Bile bashiir Colaad iyo Nuur Tootoow ayaa la isku bedelya, sidoo Xamza oo lambar 7-aad sita ayaa waxaa lagu bedelya ciyaaryahan Maxamed Nuur Cismaan oo lambar 9-aad xiran,
garsoraha kulanka ayaa waxaa uu kaarka digniinta uu siiyey ciyaaaryahan u ciyaara kooxda Gaadiidka oo lagu magacaabo Ismaaciil Xuseen kaasoo gacanta si qiyaano ah gool ugu dhaliyey,waxaase qeybtaasi kobaad kulanka lagu kala nastay gool la’aan 0-0.
Markii dib loo soo laabtay qeybta labaad ayey dhinacyadu sameeyeen isku dayo kale iyadoo fursado dhoowr ah la sameeyey laakiin aan laga faa’ideysan waxaana guud ahaan kulanka uu ku dhamaaday 0-0.
Gool kulaadyo loo dhigay si looo kala saaro labada kooxood ayaa waxaa ay guushu ku raacday 7-6 kooxda Jaalayaasha Elman sidaana waxay ku xaqiijiyeen Nus dhamaadka tartanka oo sidoo kale ay joogto kooxda Horseed oo shalay 1-0 uga soo badisey kooxda Jeenyo.











