DAAWO: Wasiirka Ciyaaraha DFS oo ka qeybgaley Casho Sharaf lagu dhiirigelinayay Ciyaartoyda Deg. X/Weyne
Waxaa magaalada Muqdisho caawa lagu qabtay xaflad Dhiiri gelin iyo Casho sharaf isugu jirtey oo loo sameeyey Ciyaartoyda Kubadda cagta ee degmada X/weyne u mateleysay koobka kubbadda cagta Gobolka Banaadir iyo Balcad, kaasi oo si xiiso leh uga socda garoomada kuyaala Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda oo ay soo agaasmineen Maamulka Degmada X/weyne ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFD Xamsa Siciid Xamsa, Xilibaan katirsan Golaha Shacabka Prof Khaalid Mocow Cabdul-qaadir,Gudoomiye xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti, Gudoomiyaha iyo Maamulkiisa degmada X/weyne, Ciyaartoyda Taagerayaasha iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
C/qaadir Maxamed C/qaadir Gudoomiyaha Maamulka degmada X/weyne oo Markii Labaad ah Gudoomiyaha degmadaasi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ciyaartoyda degmada X/weyne ay kusoo guuleysteen koobka loo tartamayo ee degmooyinka Banaadir sanadkii 2014-kii xiligaasoo isagu ahaa Gudoomiyaha degmada, sidii oo kale uu faray ciyaaryahanada hadda meteleysa degmada iney koobka soo qaadaan, isagoo sidoo kale Ballan qaaday in uu Abaal marin doono guul walba oo ay gaaran.
Guddoomiye xigeenka Arimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Shakeeti oo munaasabadda ka hadashay ayaa ku dhiirigelisay in ciyaartoyda degmada X/weyne ay ku dadaalaaan sidii ay Koobka ku hanan lahaayeen, iyadoo sidoo kale ku amaantay maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir dhiiri gelinta ay mar walba la garab taaganyihiin ciyaartoyda degmadooda, taasi oo aan horey u dhici jirin.
Xildhibaan Prof.Qaalid Mocow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Degmada X/weyne ay tahay degmo xadaarad leh oo ay ka bilaabay Ilbaxnimada iyo Ciyaaraha kala duwan, isagoo sidoo kale amaaan u jeediyey kuna dheeraaday ciyaartoydii caanka ahayd ee kasoo baxday degmadaasi oo uu ka xusay, Iskood, Nuur Gaab, Muumin yare iyo qaar kale.
Xilibaanka oo kamida Mudanayaasha laga soo doorto degmadaasi X/weyne ayaa amaan u jeediyey Maamulka degmada isaga oo ku amaanay kaalintooda dhiirigelineed ee Dhalinyarada iyo Isbortiga degmada, wuxuuna ugu danbeyntii u ballan qaaday ciyaartoyda degmada haddii ay kusoo guuleestaan tartanka inuu Abaal marin doono isagoo ka wakiil ah Xilibaanada laga soo doorto degmada.
Ugu danbeyntii waxaa Munaasabaddaasi soo xiray wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa oo ay X/weyne u ahayd Degmadii ugu horeeysay ee uu kala qeybgalo Munaasabad lagu dhiiri gelinayey ayaa si weyn u amaanay maamulka Gobolka banaadir oo xiligaan qabanaya Ciyaaraha Kubadda cagta ee Degmooyinka, iyo maamulka degmada X/weyne.
“”Anigu waxaan ahay ciyaartoy kasoo jeeda degmada X/Jajab, hadana caawa waxaan ka qeybgalayaa xafladdan Qurux badan ee loogu talo gallay Ciyaartoyda degmada X/weyne, waxaana jeclahay X/weyne iney guuleysata anigoo kula dardaarmaya in Ciyaartoydaan ay muujiyaan Asluub wanaag oo ay ku qancaan guul iyo guul daro” ayuu raaciyey.
Sidoo kale wasiirku wuxuu Ciyaartoyda X/weyne Xusuusiyey in degmooyinka ay kula jiraan Guruubka ay yihiin kuwa caan ku ah Ciyaarta kubadda Cagta sida Shingaani, Shibis,Warta Nabadda iyo Howl-Wadaag, sidaa darteed looga fadhiyo iney muujiyaan Ciyaar wanaag iyo adeysi.