SAWIRRO:Xulka G/banaadir oo ku guuleystay Koobkii Maamulada 2020 xili Madaxweynaha Soomaaliya Astaan Tv uga Hambalyeeyay
Xulka Kubadda cagta ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobkii Maamulada dalka iyo G/banaadir ee sida xiisaha leh uga socday garoonka Eng-yariisow degmada C/Casiis, xili Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu si Toos ah uga dhex hambalyeeyay Telefishinta Astaan oo uu ciyaarta ka daawanayey isagoo gurigiisa ku sugan.
Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Galmudug, isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.
Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, maadaama ay ahayd kulanka kama dambeysta ah ee tartanka ayaa waxaa cayaarta daqiiqaddii 1aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo daqiiqaddii 15aad uu kabtanka xulka Galmudug uu cayaarta ka dhigay 1-1.
Qeybtii labaad ee cayaarta oo si dar darleh ku bilaabatay ayaa daqiiqaddii 52aad ee cayaarta waxaa Xulka Gobolka Banaadir uu dhaliyay goolka 2aad Xidigga Deeq Nageeye oo N0, 11 u wata Xulka Banaadir, waxaana uu cayaarta ka dhigay 2-1, waxaana Xulka Banaadir gool ku laad ka qasaariyay daqiiqaddii 75aad xidiga Ibraahin Ilyaas oo N0, 28aad u wata Xulka Banaadir.
Daqiiqaddii 86aad ee cataarta ayaa cayaartoyda Xulka Galmudug goolka u dhaliyay xidiga Muxudiin Jamaal oo N0.15aad, waxaana uu cayaarta ka dhigay bar bar dhac 2-2.
Cayaarta ayaa lagu kala baxay gool ku laad oo labada dhinac loo dhigay min shan, balse Xidigaha Xulka Galmudug ayaa iska qasaariyay saddex rigoore oo ay heleen, waxaana xidigaha Xulka Banaadir ay wada dhaliyeen saddexdii gool kulaad ee soo martay, sidaasna ayayna koobka ku hanteen.
Goolhayaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa u suurta geliyay in Banaadir ay sanadkan hanato tartanka Dowlad Goboleedyada oo uu marti geliyay Maamulka Gobolka Banaadir.
Damaashaad ayaa laga dareemay qeybo kamid ah degmooyinka Gobolka banaadir kuwaa oo lagu muujinayey farxadda Guusha ay kooxda Banaadir ka gaartay tartanka,waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeeysay oo G/banaadir ku guuleystaan Koob 10-sano kadib maadaama 2010 ay kusoo guuleysteen koobkii Gobolada dalka oo ilaa 15 Gobol ay ka qeybgaleen kaasi oo lagu qabtay Magaalda Garoowe ee xarunta Puntland.












