Breaking NewsSOOMAALIYATartanka Dagmooyinka 2020WARARKA MAANTA

SAWIRRO: X/jajab oo Xaqiijisey Wareega 2aad Koobka Degmooyinka G/banaadir & Balcad 2020

Kooxda Degmada X/jab jab ayaa Xaqiijisey usoo bixitaanka wareega Labaad ee Koobka Kubadda cagta Degmooyinka G/banaadir iyo Degmada balcad, kadib markii guul ka gaartay kulankeedii labaad ee Guruubka A, oo galabta ay wada ciyaareen degmada Heliwaa,

Ciyaarta Labada dhinac ayaa aheyd mid ay guul ku doonayeen gaar ahaan degmada Heliwaa oo kulankii koobaad guul daro soo qaadatay halka X/jajab ay guul kasoo gaaartay degmada Kaaraan, hase yeeshee kooxda X/jajab ayaa weeraro culus ku qaadeysay qeybtii koobaad goosha kooxda Heliwaa iyadoo kooxda Heliwaa kubadaha ay abuurayeen ay ku dhamaanayeen afka diilinta sideed iyo tobanaad ee X/jajab.

Kubado laad Toos (Free-Kick) ayey afka diilinta ka heleen kooxda X/jajab sidoo kale Kooxda Heliwaa ayaa heshay laakiin waa ay ka faaideysan waayeen iyadoo goolhayaasha ay bixiyeen qaarna birta dusheeda ay martay, laakiin daqiiqadii 37-aad ayaa ciyaaryahan ka tirsan kooxda Xamar jajab kubad fiican uu soo qaaday waxaana si xarako ah u dejiyey lambarka 10-aad C/Naasir Maxamed kaasoo baas hal taabasho ah siiyey sxbkiisa lambarka 8-aad Bashiir Muqtaar Xasan oo laad qurux badan daba mariyey goolhayaha Heliwaa hogaankana ugu dhiibay 1-0 oo lagu kala nastay.

Markii lasoo laabtay ayaa waxaa is bedelo sameeyay labada Tababare dhinaca Xamar jajab waxaa dhaawac dartii loo bedelay goolhayaha, haka dhanka Heliwaa labo ciyaaryahan uu keenay, hase yeshe Xamar jajab ayaa halkaasi ka sameeysay weeraro inkastoo inta badan kubadda ay ku dhamaaneysay afka diilinta, laakiin waxaa taagerayaasha mar kale sare kiciyey Lambarka 10-aad X/jabjab C/Naasir oo meel aad uga Fog goosha kasoo toogtay kjana dhigay natiijada 2-0 Xamar jajab hogaanka kusii dheereysay.

Ciyaaryahan C/naasir ayaa la siiyey Kaar Hurdi ah isagoo khalad uu kumuteeysan karay Kaarka Guduudka ku galay daafaca Heliwaa, oo uu haraanti ku baaciyey,waxaase markii danbe Xamar jajab ay heshay Gool-kulaad lagu galay lambarka 9-aad, waxaase qasaariyey C/naasir oo goolhayaha heliwaa ka saaray kubaddii uu ku laaday waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku qaaday X/jajab oo sidaa 6-dhibic hogaanka ugu qabatay Guruub A isla markaana xaqiijisey iney wareega labaad tikidhkeeda jaratay, waxaana kalainta labaad kujirta Kaaraan iyo Kaxda oo min 3 dhibc leh.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button