Breaking NewsSOOMAALIYA

SAWIRRO: Muxuu Ku Soo Dhamaaday Kulankii U Dhexeeyay Kooxaha Horseed Iyo Raadsan.

Kooxaha Horseed iyo Raadsan ayaa galabta ku wada ciyaaray garoonka Eng-yariisoow  kulankoodii ugu horreeyay horyaalka heerka 1-aad ee dalkeena Somalii Premier League.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxey labada koox soo bandhigeen ciyaar ku dhisan weerar iyo weerar celis daqiiqadii 2-aad ee ciyaarta kooxda Raadsan  ayaa heshay gool waxaana goolkaasi madax ku dhaliyay lambarka 20-aad C/wahaab C/qaadir oo ciyaarta ka dhigay 1-0 waxaa jiray fursado ay abuureen ciyaartoyda kooxda horseed laakiin daafacyada kooxda Raadsan ayaa iska difaacay kubadahaas weerarka ahaa, qaybtii koobaad ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Raadsan.

 Qaybtii hore ee kulanka Garsoore C/fitaax Saciid Mire ayaa bixiyay calaamado kale duwan wuxuuna kala siiyay labada kooxood kooxda Horseed waxey qaateen saddex calaamad oo labo kamid ah ay ahaayeen kaarka hurdiga halka calaamada kale ay ahayd casaan waxaana loo taagay casaankaasi kabtanka Kooxda horseed Ibraahim Cabdi kadib markii uu laaday mid ka mid ah ciyaartoyda kooxda raadsan halka ciyaartoyda kala ah Ismaacil C/qaadir iyo Xasaasi loo taaagay kaarka digniinta qaybtii hore ee ciyaarta.

 Dhanka kale kooxda raadsan waxey qaateen qaybtii hore labo oo ah kaarka digniinta waxaana la kala siiyay Ciyaaryahanka lambarka 7-aad u xirta Bashiir Aweys iyo dhaliyaha goolka C/wahaab C/qaadir.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad kooxda horseed waxey cadaadis xoogan saareen naadiga raadsan balse daafacyada dambe kooxda raadsan waxey ahaayeen kuwo iska difaaco kubad walbo oo weerar ah oo dhanka horseed kaga imaaneysay natiijada ciyaarta ayaana ku soo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay kooxda raadsan waxaana macalin cabdi joon uu galabta kooxdiisa raadsan ku hoggaamiyay guul ay ka gaareen kooxdiisa hore horseed.

 Qaybtii labaad ee ciyaarta naadiga raadsan waxey qaateen kaarkoodii 3-aad ee ciyaarta waxaana loo taagay lambarka 4-aad Axmed Cali daqiiqadii 80-aad ee ciyaarta halka kooxda Horseed ay qaateen casaankii labaad waxaana ciyaarta laga saaray daqiiqadii 91-aad eee ciyaarta lambarka 2-aad Mahad Nuur taaso ka dhigan iney aruursadeen labo kaar oo ah kaarka hurdiga iyo labo kaar oo ah kaarka casaanka.

Horyaalka heerka 1-aad ee dalkeena oo isbuucaan furmay waxaa maalinta berrito wada ciyaari doono kooxaha MCC Iyo Elman kulankoodii koobaad horyaalka heerka koobaad ee dalkeena Somali Premier League.

WQ/ Daacad

Image may contain: 1 person, playing a sport, standing, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport, standing, outdoor and text
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing, outdoor and text
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: one or more people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 2 people, people playing sport, outdoor and text
Image may contain: 3 people, people playing sport, people standing and outdoor
Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button