Labo Kulan Oo Ka Tirsan Tartanka Astaan Business Cup 2021 Wareeggiisa 16-ka Oo Galabta la Ciyaari Doono
Waxaa galabta la ciyaari doona labo kulan oo ka tirsan tartanka Astaan Businness Cup 2021 wareeggiisa 16-ka kooxood ee bug-baxa,
Kulanka koowaad ayaa dhexmari doono shirkadaha ganacasiga ee kala ah Kaamil Cumputer iyo Human Care kulankaan ayaa la baasan doono 03:50 pm, marka ay ciyaartan soo dhamaato waxaa kulanka labaad wada ciyaari doono shirkadaha kala ah Go Turkey iyo Halla Air waxaana ciyaartan la baasan doono 04:50 pm, kulamadaan waa bug bax kooxdii laga adkaado wey iskaga hari doontaa tartanka Astaan Businness Cup 2021 wareeggiisa 16-ka, haddii ciyaaraha galabta ay barbaro ku soo dhamaadaan waxaa lagu kala saari doonaa kooxahan Gool kulaadyo.
Warreega 16-ka kooxood ee tartanka Astaan Business Cup 2021 waxaa u soo gudbay illaa iyo afar shirkadood waxaana la sugi doona kulamada maanta iyo berri la ciyaari doono, Si kastaba tartanka Astaan Business Cup ayaa si xiiso leh ugu socdo magaalada muqdisho waxaana lagu ciyaaraa garoonka Macquul Stadiom oo ku yaalo KM4 tartankaan waxaa si gaar ah qabashadiisa iyo taabagalintiisu u leh Astaan Sprts halka garsoorayaasha tartankan dhexdhaxaadinayo ay ka socdaan xiriirka soomaaliyeed ee kubadda cagta.
WQ/ Daacad
