SAWIRRO: Koob Lagu Daah Furayay Garoonka Q/Doore Ee D/Kaaraan Oo Shalay Dhexmaray Wariyaasha Astaan Sports & Halyeeyadii Hore D/Kaaraan.
Garoonka qoob doore ee degmada kaaraan oo bilihii ugu dambeeyay dayactir ku socday waxaa shalay si rasmi ah ula warreegay maamulka sportska ee degmada kaaraan oo tartamo kala duwan oo kubadda cagta ku qaban doono garoonkaasi.
Daah furka garoonka qoob doore waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha degmada kaaraan Abshir Maxamed iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Sowdo Maxamed Gaaboow, waxeyna si wadajir ah ugu hadleen iney aad ugu faraxsan yihiin dayactirka lagu sameeyay garoonka qoob doore ee degmada kaaraan oo maamulka degmada kaaraan si rasmi ah shalay ula warreegay garoonka qoob doore.
Koob lagu daah furayay garoonka qoob doore oo u dhexeeyay wariyaasha Astaan Sports iyo Halyeeyadii hore ee degmada kaaraaan ayaa shalay lagu ciyaaray garoonka qoob doore, ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan waxaa u soo daawasho tagay dhalinyarada xiiseyso ciyaaraha kubadda cagta ee ku nool degmada kaaraan.
Kooxaha Astaan Sports iyo Halyeeyadii hore ee degmada kaaraan ayaa soo bandhigay ciyaar aad xiiso badan, iyadoo natiijada ciyaarta ay ku soo dhamaatay 4-0 ay ku adkaadeen wariyaasha Astaan Sports waxaana halkaasi lagu guddoonsiiyay koobkii lagu daah furayay garoonka qoob doore ee degmada kaaraan.
Si Kastaba garoonka qoob doore oo bilihii ugu dambeeyay dayactir ku socday waxaa shalay si rasmi ah ula warreegay maamulka ciyaaraha degmada kaaraan waxaana xusid mudan in koobkan ay soo qaban qaabisay Astaan Sports.
WQ/ Daacad













