2022 FIFA World CupAFRICABreaking NewsSOOMAALIYAWararkaWARARKA MAANTAWorldworld cup 2018

SAWIRRO: Xulka Soomaaliya oo Ciyaar adag soo bandhigey kulankii isreeb-reebka Fifa Arab Cup ee Cumaan

Xulka Kubadda Cagta dalkeena Soomaaliya ayaa guul daro dirqi ah, kasoo gaartay kulan ciyaareed hal weji oo ay garoonka Jassim Bin Hamad magaalada Dooxa caasimadda qatar kula yeesheen dhigooda Cumaan.

Kulanka Labada Xul ayaa ahaa mid xiiso lahaa oo isha lagu wada hayey, waxaana nasiib daro lasoo gudboonaatay xulka dalkeena markii daqiiqadii 11-aad kubad laas xoogan oo lala eegtay goosha uu soo tufay gool celiyaha xulka Soomaaliya Mustaf Maxamed laakiin waxaa ka faai'deystay oo shabaqa ku celiyey weeraryahanka lambarka 11-aad ee Cumaan Cumaan,Mohsen Al-Ghasani , Xulka Sooomaaliya isma dhiibin waxaana ay wadeen dadaal, inkasta oo ay markale niyad jab ka qaadeen markii laga dhigay (penalty) gool-kulaad daqiiqadii 25-aad markii goolhaye Mustaf gacantiisa ay gaartay weeraryahan Mohsen kubad banaanka u bixi lahayd, waxaana gool u bedelay Salaah Al Yahyaei 2-0 ayaana lagu kala nastay qeybtii koobaad.

Markii dib loo soo laabtay ayey Wiilasha Ocean Stars muujiyeen ineysan is dhiibeyn waxayna lasoo bexeen ciyaar ka yaabisey Xulka Cumaan, sidoo kalena ay ku qanceen taageerayaasha garoonka u joogtay iyo kuwa daafaha caalamka ka daawaneysay ciyaarta,dadaalka xulkeena ayaana keenay in kubad si qurux badan loo soo qaaday Abel Gigli madaxa ku dhaliyey, sidoo kale fursado kale ayeey sameeyeen Somalia walow uusan nasiibku saacidin wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 2-1 oo ay Cumaan ku xaqiijisey guusha,

Wiilasha Soomaaliyeed ee metelayey xulka ayaa intooda badan ka ciyaara dalalka dibadda, waxaana ay heysteen waqti aad u yar oo ay isugu diyaarinayeen wadanka Jabuuti, iyadoo xiriirka kubadda Cagta uu ku dadaalay sidii loo heli lahaa xul adag oo guulo ka keena tartamada dibadda, waxaaana xusid mudan in inta badan bahda Sportiga jecel ay aaminsan yihiin in haddii ciyaartoydan waqti badan isla tababartaan iney guul ka keeni doonaan tartamada mustaqbalka.

Si kastaba ha noqotee, Cumaan ayaa noqoneysa xulkii 2-aad ee u gudba guruubyada Fifa Arab Cup 2021, kadib Suudaan oo shalay soo gudubtay, waxayna ku biiri doonaan martigaliyayaasha Qatar, Iraq, Tunisia, United Arab Emirates, Syria, Morocco, Saudi Arabia, Egypt, Algeria iyo Sudan - oo u soo gudbay shalay - wajiga ugu dambeeya ee tartanka ayaana dhici doona inta u dhexeeysa 30ka Nofeembar ilaa 18. Diisambar. waxaana maalmaha soo socda la sugi doonaa 5 xul oo kale oo kasoo bixi doona kulamada Isreebreebka haray.

 By C/xafiid Zaciimka
Astaan Sports Muqdisho

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button