Breaking NewsHORYAALADAMA OGTAHAYSomali premier leagueSOOMAALIYATAARIIKHWararkaWARARKA MAANTA

SAWIRRO: Sababta Tababarihii kooxda Raadsan keenay kaalinta afaraad uu uga tegey Shaqada oo la ogaaday ?

Tababare C/weli Maxamed Maxamuud (Cabdi Joon) ayaa isaga tegey naadiga kubadda cagta ee Raadsan oo uu leylinayey xili ciyaareedkii iminka soo dhamaadey, waxaana arintan xaqiijiyey naadigiisa raadsan iyo isaga oo la hadlay Webka Astaan Sports.

War saxaafadeed kasoo baxay naadiga Raadsan ayaa lagu yiri, “Kooxda Raadsan waxay bahda ciyaaraha iyo warbaahinta la socodsiineysaa in si heshiis iyo is afgarad kujiro naadiga iyo Macalinka 1aad ee kooxda Cabdi Wali maxamed maxamuud ay ugu heshiiyeen in Macalinka uu xilka iska wareejiyo arimo isaga u gaar ah awgeed”

Naadiga ayaa ugu Mahadceliyey Tababare Cabdi dadaalkii dheeraa ee uu muujiyey mudadii uu tababaraha u ahaa iyo heerka sareeysa ee uu gaarsiiyey, waxayna u rajeeyeen guul iyo horumar mustaqbalkisa Macalinimo,

Si kastaba ha ahaatee Tababare Cabdi Joon oo horey usoo leyliyey kooxo dhowr ah oo ay kamid yihiin Elman,Dekedda iyo Horseed ayaa lagu xusuustaa inuu soo saaray ciyaaaryahano badan oo iminka ka dhex muuqda horyaalka dalka, wuxuuna kooxda Raadsan oo uu leylinayey hal Fasal uu ka dhigay mid kamida kooxaha laga baqo maadaama ay wacdaro ka dhigeen horyaalka iminka isku heystaan kooxaha Horseed iyo MCC oo wareegiisa koobaad hogaaminayey isla markaana iminka kursiga 4-aad ay ku dhameeysteen.

Warar soo baxaya ayaana xaqiijinaya in ciyaaryahankii hore Xulka qaran tababare Cabdi Weli oo horey ugu caan baxay ku guuleysiga koobka Jeneraal Daa’uud uu u wareegayo leylinta kooxda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Heegan SC, waxaana la aaminsan yahay in Macalinku weli baadi goobayo in isagoo tababare ah uu mar ku guuleysto horyaal dalka maadaama isagoo ciyaaryahan ah uu kusoo guuleystay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button