Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking NewsDAKADDAHORSEEDUncategorized

SAWIRRO: Kooxdee Ayuu Ku Biiri Karaa Xasaasi? – Astaan Sports Oo Wareysi Dhinacyo Badan Ka qaaday.

Cayaaryahankii hore ee kooxda kubbadda  Horseed SC Xasan Cabdinuur Geeseey Xasaasi ayaa maanta soo gaaray xarunta Tvga Astaan Sports wuxuuna ka warbixiyay mustaqbalkiisa cayaareed ee kubadda cagta.

Xasaasi ayaa shalay kooxdiisa horseed ka helay warqad fasax ah waxaana saacadihii ugu dambeeyay jiray kooxo waaweyn oo aad u doonayo iney hishiis la gaaraan, cayaaryahan Xasan Cabdinuur Xasaasi waxa maanta warreysi dhinacyo badan taabanayo ka qaaday Astaan Sports isagoo marti ku ahaa Studiyaha koowaad ee Astaan Sports xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Wareysiga ay ka qaaday Astaan Sports oo ahaa mid dhinacyo badan taabanayo wuxuu kaga hadlay mustaqbalkiisa cayaareed ee kubbadda cagta waxaana uu sheegay iney jiraan kooxo waaweyn oo xiriir toos ah la soo sameeyay walloow uusan sheegin kooxaha la soo xiriiray laakiin wuxuu cadeeyay iney jiraan wadahadal u dhexeeyo isaga iyo  kooxda kubbadda cagta Dekaddaha oo kamid ah kooxaha ugu waaweyn Horayaalka Somali Premier League.

Dhanka kale cayaaryahan Xasaasi ayaa sheegay inuu isaga ka codsaday maamulka kooxda horseed inuu naadiga katago kaddibna uu ka helay warqada bixitaanka wuxuuna intaa kudaray in isaga ay gaar u aheyd sabata uu kagatagay kooxdiisa horseed, sidoo kale wuxuu sheegay in kooxda Horseed ay tahay koox uusan iloowi doonin, halkan waxaan joogay muddo afar sano ah waxaan ku guulaystay illaa afar koob runtii intii aan ka tirsanaa horseed waxaa la ii magacaabay cayaaryahankii ugu wanaagsanaa horyaalka Somaliya xili cayaareedkii 2018/2019 taasi waxey aheyd guul weyn oo aan ka gaaray xirfadeeda kubbadda cagta ee kooxda Horseed,

Ugu dameyn Cayaaryahan Xasan Cabdinuur Geeseey Xasaasi ayaa sheegay inuu aad ugu farxay sagootinta ay u sameeyeen Maamulka iyo cayaartoyda kooxda Horseed uu ku booqday tababarka maalintii ugu dambeysay ka hor inta aysan kooxdu u safrin Tanzania.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button