HORYAALADA

SAWIRRO: Kooxda K/cagta Gasco oo la warreegtay hoggaanka horyaalka heerka saddexaad.

Kooxda kubbadda cagta Gasco ayaa la warreegtay hoggaanka horyaal heerka saddexaad kaddib guul ay ka gaartay kooxda kubbadda cagta Albeder.

Goolal ay dhaliyeen qaybtii koowaad ee kulanka ayey kaga adkaadeen kooxda Albeder, gool uu iska dhaliyay cayaaryahanka lambarka 8-aad ee kooxda Abeder ayey hoggaanka kula warreegeen kooxda Gasco daqiiqadii 13-aad ee bilowgii hore cayaarta, waxaana goolk labaad ka toogtay meel ka baxsan diilinta ganaaxa cayaaryahanka lambarka 11-aad Cabdcasiis Cabddulaahi Ciise, waxaana qaybta nasashada la aaday 2-0 oo hoggaanka ku haysay kooxda Gasco.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaartoyda kooxda Albeder waxey abuureen fursado ay ku doonayeen iney ku soo barbareeyaan goolasha loogu horkacayo cayaarta, hase yeeshee kama faa’’iideysan fursadahaasi waxaana natiijada cayaarta ku soo dhammaatay 2-0 ay ku adkaatay kooxda Gasco.

Si kastaba kooxda kubbadda cagta Gasco ayaa hoggaanka farqiga goolasha kaga hoggaamineyso kooxda Ummah Hospital oo shalay barbaro la gashay kooxda Bariga Dhexe waxeyna wada leeyihiin min 7-dhibcood seddex kulan ay cayaareen horyaalka heerka saddexaad.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button