Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking News

SAWIRRO: Maamulka Degmada Howlwadaag oo kulan dhiiragalin ah u sameeyay xiddigaha Kubbadda Kolleyga.

Maamulka cayaaraha Degmada Howlwadaaga ayaa kulan casho dhiiragalin ah u sameeyay cayaartoyda kubbadda koleyga Degmada Howlwadaag oo shalay guul ku furtay tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

Xiddigaha Degmada Howlwadaag ayaa guul ka gaaray kulankii koowaad ee Guruubka A cayaar ay la yeesheen Degmada Wadajir oo markii ugu dambeysay oo la qabtay koobkan sannadkii 2018-kii ku guulaysatay tartanka Degmooyinka kubbadda koleyga.

Maamulka Cayaaraha Degmada Howlwadaag ayaa cayaartoyda kubbadda koleyga ku dhiiragaliyay iney koobka sannadkan keenaan xarunta Degmada Howlwadaag iyadoo sidoo kale balan qaadyo kale loo sameeyay haddii ay ku guulaystaan koobka Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.

kulanka furitaanka waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiyahay Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Guddoomiyaha cayaaraha Gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabaroow Wiish iyo madax kale oo ka socotay xiriirka kubbada koleyga.

Si kastaba shalay ayuu si rasmi ah u furmay tartanka kubbadda koleyga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir, tan iyo sannadkii 2018-kii oo ahayd markii ugu dambeysay la qabtay tartankan, waxaana xilligaas ku guulaysatay Degmada Wadajir oo shalay guuldarro kala kulantay Howlwadaag dhibco gaarayo 33/31 oo ku adkaatay Howlwadaag.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button