Tababaraha England Gareth Southgate oo ka hadlay mustaqbalkiisa xulka kaddib guuldarradii xalay
Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa sheegay in uu dib u eegis ku samayn doono katagista xulkiisa England ee ku haray wareegga 8-dhammaadka koobka adduunka ka hor inta aanu go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa.
52-sano jirkaan oo xilka la wareegay 2016-kii ayaa qandaraaska uu kula jiro xulka England ku eg ilaan iyo Euro 2024 dhammaadkiisa.
Kaddib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay France, Southgate ayaa yiri “Tartamadani waqti badan ayay u baahanyihiin, waxaan u baahanahay waqti aan ku fakiro.
“Waxaan sameynay wixii loo baahnaa tartan kasta taasina waa waxa saxda ah ee la sameeyo.”
Ciyaartoydii hore ee England Gary Neville iyo Ian Wright oo uu wehliyo kabtankii hore ee Jamhuuriyadda Ireland Roy Keane ayaa si wadajir ah iskugu raacay inay jeclaan lahaayeen inay arkaan Southgate oo sii maamulahayo xulka England sanadaha soo socda.
Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa England ku hoggaamiyay semi-finalka Koobkii Adduunka 2018-kii iyo finalka Euro 2020-kii, Southgate ayaa awoodi waayay inuu mar kale gaaro afar dhammaadka tartanka koobka Adduunka kaddib guuldarradii xanuunka badneyd ee France ka soo gaartay xalay.
“Aad ayaan ugu hanweynahay waxa ay ciyaartoydu sameeyeen,ma ahan caawa oo kaliya balse tartanka oo dhan”ayuu hadalkiisa ku daray Southgate.
“Waxaan u maleynayaa in kooxdu ay qaaday tallaabo dhab ah oo horay loo qaaday dhammaan dhinacyada.”
Kane ayaa qasaariyay rigoore iyadoo England ay guuldarro kala kulantay France
England ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed wanaagsan kulankii ay la ciyaareen xulka difaacanayo koobka Adduunka, laakiin ma aysan ka soo gudbin, waxaana lagu reebay wareegga sideed dhammaadka toddobo mar siddeedii jeer ee ugu danbeysay koobka Adduunka.
Kabtan Harry Kane ayaa rigoore 1-1, ku barbareeyay laakiin waxa uu lumiyay fursad uu mar kale barbaro kaga dhigi karay ciyaarta iyadoo lix daqiiqo oo kaliya ay ka harsan tahay waqtigii caadiga ahaa kaddib markii Olivier Giroud uu u dhaliyay France gool labaad.
“Qof walba wuu arki karaa in xulka England ay muujiyeen awood ,” ayuu raaciyay Southgate, oo hore u soo maamulay xulka da’yarta-21 jirada ka hor inta aan loo magacaabin xulka England.
Southgate ayaa bilaabay maamulkiisa England bishii October ee 2016-kii, isagoo badiyay 49 ka mid ah 81 kulan uu hoggaaminayay xulka England, guuldarradii ka soo gaartay France ayaa aheyd tii 14-aad ee soo gaarto.
Kaddib guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay Croatia afar dhammaadka koobkii Adduunka 2018 ee Russia waxaa ku xigay Italy oo rigoorayaal kaga qaaday finalkii Euro 2020.
Walaac kale ayaa soo baxay intii lagu jiray tartanka Uefa Nations League horaantii sanadkan, kaddib markii ay 4-0 ku xasuuqday Hungary, halkaas oo taageerayaasha England ay ku qaylinayeen, ma garanaysid waxaad ku samaynayso iyo ciyaartoyda aad haysato’.
England ayaa tan iyo markii ay soo kabsatay guuldaradaasi u soo baxday wareega 8-da ee Koobka Adduunka ee Qatar, iyadoo Southgate uu kasbaday sumcadda go’aannada taatikada ee horseeday inay 3-0 kaga badiyaan Senegal wareega 16-ka.
Laakiin waxa uu la kulmi doonaa baaris dheeraad ah kaddib guuladarro ka soo gaartay xulka France taageereyaal badan oo u dhashay England ayaa dareensan in ay haystaan koox u qalabaysan hanashada koobka.
“Waan jeclaan lahaa in Gareth uu sii joogo laba sano oo kale iyo in ka badan, ha ahaato tababare ahaan ama ha ahaado doorka FA-ga ee qaabaynta mustaqbalka” ayuu yiri kabtankii hore ee Manchester United Neville.
“England, 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxa ay ku guulaysteen tartamada dhallinyarada, xagaagii hore waxa ay ku guuleysteen Euro-ga dumarka, waxaana ay gaareen finalka Euro ee 2020-kii si fiican ayay u ciyaareen waxay heystaan ciyaaryahano leh farsamo wanaagsan.
“Waxaan heysanaa mustaqbal wanaagsan, isaga ayaana qeyb weyn ka ah midaas.” ayuu yiri Neville.
Dhanka kale Khabiirada BBC-da ee Martin Keown iyo Jermaine Jenas, oo labaduba ah ciyaaryahanadii hore ee England, ayaa sidoo kale sheegay in Southgate “100%” ay tahay inuu sii wato shaqada.
“Waxaan u ciyaarnay si wanaagsan waxaana kaliya 18 bilood naga xiga Euro 2024, kooxdan waa mid xoogan” ayuu hadalkiisa raaciyay daafacii hore ee Arsenal Keown.
Ciyaaryahankii hore ee Newcastle Jenas ayaa yiri: “Ma arko wax laga qomameeyo oo soo kordhay waxay dhallinyarada muujiyeen iney yihiin kuwo awood badan.
“Marka la eego qaab ciyaareedka tababaraha iyo ciyaartoyda, wax dhib ah kama taagno”.
‘Waqtiga Ingiriiska wuu iman doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay daafacii hore ee Arsenal Keown.
Weeraryahankii hore ee England Gary Lineker ayaa weli ku faraxsan mustaqbalka xulka, balse waxa uu sheegay inay jirto “wax yar oo ceeb ah” guuldarradii ka soo gaartay xulka haysta Koobka Adduunka ee France.
Astaan Sports