Kubadda rasmiga ah ee lagu ciyaari doono Semi-finalka iyo Final-ka Koobka Adduunka 2022 oo la shaaciyey… (Muxuu yahay magaca loo bixiyey?)

Waxaa la shaaciyey kubadda rasmiga ah ee lagu ciyaari doono afar dhammaadka iyo kama dambaysta Koobka Adduunka 2022.
Semi-finalka koobka Adduunka 2022 ayaa waxaa isugu soo haray afarta xul ee kala ah, Argentina, Croatia, France iyo Morocco, labo ka mid ah ayaana iska xaadirin doona kama dambeysta Koobka Adduunka 2022 ee haatan ka soconaya dalka Qatar.
Maadaama dal carbeed lagu ciyaarayo kubbaddan magaceeda waxa ay wadataa magac carbeed oo ah Al Hilm, magacan marka luuqadda Ingiriiska la eego waxa uu noqonayaa “The Dream” oo afsoomaali ahaan noqonaysa Riyo.
Kubbadaan Al Hilm ama riyo waxa ay daba socotaa kubaddii rasmiga ahayd ee horay loogu ciyaaray heerkii guruubyada, 16-ka iyo siddeed dhammaadka Koobka Adduunka 2022, taasoo lagu magacaabi jiray Al Rihla oo luuqadda Ingiriiska marka la eego noqonaysa “The Journey” oo afsoomaali ahaanna ah ‘Safar’.
Si la mid ah Al Rihla oo kale kubadda Al Hilm ayaa lagu farsameeyey tignoolajiyadda casriga ah, waxaana ay garsoorka ka caawin doontaa go’aammada garab dhaafka ama offside-ka in si deg deg ah loo saxo.
Xulalka Argentina iyo Croatia ayaa kubbadan cusub ee Al Hilm ku wada ciyaari doona habeen dambe oo Talaado ah, halka habeenka xiga ee Arbacada ahna ay sidoo kale ku wada dheeli doonaan xulalka France iyo Morocco.
SAWIRRO:




Astaan Sports




