2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupArsenalChampions LeaguePremier LeagueWararka

Kooxda Arsenal oo xaqiijisay inay xilli ciyaareedka dambe ka ciyaari doonto Champions League

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xaqiijisay in xilli ciyaareedka dambe ay ka dheeli doonto koobka horyaallada Yurub ee UEFA Champions league, inkastoo rajadeeda horyaalka ay fasal ciyaareedkan ceel ku dhacday.

Arsenal ayaa guuldarro kala soo laabtay kulankii horyaalka Premier League oo ay booqatay Manchester City, waxaana xalay looga soo adkaaday 4-1.

Yeelkeede, waxa ay markiiba si rasmi ah ugu soo baxday Arsenal tartanka Champions League xilli ciyareedka kaddib kaddib markii kooxda Brighton ay guuldarro kala kulantay naadiga Nottingham Forst xalay.

Muddo dheer kaddib xisaab ahaa kooxda Arsenal ayaa haatan la xaqiijiyey in fasal ciyaareedka dambe ay ka dheeli doonto tartanka Champions League.

Tan ayaa la shaaciyey kaddib markii la xaqiijiyey in Arsenal aysan ku dhammaysan karin xilli ciyaareedka horyaalka Premier League meel ka hooseysa kaalinta afaraad xitaa haddii laga wada adkaado kulammada u haray horyaalka.

Gunners ayaa ka soo muuqan doonta tartanka Champions League markii ugu horreysay tan iyo fasal ciyaareedkii 2016/2017, markaasoo ahayd markii ugu dambeysay oo ay Arsenal ka ciyaarto koobka horyallada Yurub ee Champions League.

Muddo todobo sano ah kaddib kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay inay dib ugu soo laabtay ka ciyaarista koobka dhegaweynaha ee Champions League.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button