2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Erling Haaland oo ku guuleystay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka horyaalka Premier League

Erling Haaland ayaa loo magacaabay xiddigaha sanadka ee horyaalka Premier League, kal ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee uu la qaatay kooxda Manchester City.

Xiddiga xulka qaranka Norway oo wacdaro dhigay fasal ciyaareedkan ayaa dhaliyey 36 gool 35 kulan oo uu saftay horyaalka, waxaana uu 22-sano jirkani jabiyey rikoorka ciyaaryahanka hal xilli ciyaareed goolasha ugu badan ka dhaliyey horyaalka Premier League.

Haaland oo horyaalka Premier League kula guuleystay Man City ayaa sidoo kale siddeed caawin ka sameeyey horyaalka kal ciyaareedkan.

Xiddiga ay ka wada tirsan yihiin Man City ee Kevin De Bruyne ayaa abaal-marintan ku guuleystay 2019/20 iyo 2021/22.

Ruben Dias ayaa hantay 2020/21, sidoo kale Vincent Kompany ayaa qaaday abaal-marinta xilli ciyaareedkii 2011/12.

De Bruyne ayaa xilli ciyaareedkan ka mid ahaa musharraxiinta abaal-marintan kaddib markii uu 16 caawin ka sameeyey horyaalka Premier League.

Xiddigaha kooxda Arsenal ee Bukayo Saka iyo Martin Odegaard, dhaliyaha Manchester United ee Marcus Rashford, Weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyo Daafaca Newcastle ee Kieran Trippier ayaa sidoo kale ka mid ahaa xiddigaha u sharraxnaa abaal-marintan.

Haaland ayaa horay ugu soo guuleystay sanadkan 2023 abaal-marinta ciyaaryahanka ugu fiican sanadkan oo ay bixiyaan qorayaasha kubadda cagta, isagoo helay 80% codadkii la bixiyey.

Sidoo kale Weeraryahankan da’da yar ayaa u sharraxan abaal-marinta xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedkan ee ay codeeyaan taageerayaasha ee PFA Player of the Season award.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button