Taariikh nololeedka guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska oo ku geeriyooday dalka Hindiya
Waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday allaha u naxariistee Guddoomiyihii xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska Eng C/qaadir Cumar Abuukar Littel shalay oo ay taariikhdu ahayd 28-ka bisha June 2023.
Eng C/qaadir Cumar Abuukar oo geeriyooday maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa, waxa uu ku dhashay Magaalada Muqdisho sanadkii 1961-kii, waxa uu wax ku barbaaray isla Magaalada Muqdisho, isagoo ka baxay Dugsiga sare J/Daa’uud ee isla Muqdisho sanadkii 1981-kii.
Sanadkii 1987-kii waxa uu ka baxay Machadka isgaarsiinta qaranka, waxa uuna ku taqasusay (Eng Microwave).
Waxa uu ka shaqo bilaabay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ilaa 1991-kii.
Sanadkii 1983-kii waxa uu shaqo ka bilaabay shirkaddii Muris oo ahayd isgaarsiintii ugu horraysay xilligii Burburka iyo Shirkadda DHL ee Bostada.
Markii dambe sidoo kale waxa uu ka shaqo bilaabay shirkadda isgaarsiinta Hormuud, isagoo shaqooyin ka soo qabtay Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo iyo Hargeysa.
Eng C/qaadir Cumar Abuukar waxa uu isboortiga ku soo biiray sanadkii 1982-kii isagoo ka mid noqday xiriirka dabaasha waxaana uu ahaa Garsoore, xilligaasoo uu ahaa arday dhiganaayay Machadka isgaarsiinta qaranka.
Waxa uu soo garsooray ciyaarihii gobollada dalka oo lagu qaban jiray Magaalada Muqdisho, isagoo door mug leh ka soo qaatay sanadkii 1997-kii ilaa 2001-dii.
Waxaa loo magacaabay kaaliyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska (X. S. K. L.) sanadkii 2001-kii ilaa 2015-kii oo loo magacaabay xoghayaha guud ee X. S. K. L.
Sanadkii 2015 waxaa loo doortay guddoomiya xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska, isagoo xilkaasi hayay ilaa uu ka geeriyooday.
Isla sanadkaas 2015 Eng C/qaadir Cumar Abuukar waxa uu ka qeyb galay shirweynahii bariga iyo bartamaha Afrika ee CAVB ZOBE 5, Soomaaliya oo muddo dheer ka maqnayd shirarka, guddoomiya ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay shirka, xafiiska X.S.K.L. waxaa soo gaaray hambalyo iyo bogaadin uu ka kala helay adduunka iyo Afrika.
Xiriirka waxa uu soo ceshaday magacii uu ku lahaa Afrika iyo addduunka oo dhan, Eng C/qaadir ayaana geliyayay xiriirka tacab aan la ilaabin karin, waxa uu ka soo bilaabay meel hoose oo isku tashi ah, waxa uuna dhisay kooxo cayaaro kubadda laliska ah oo Wiilal iyo Gabdho leh, wuuna qalabeeyay, isagoo u qabtay horyaal iyo koobka J/ Daa’uud oo lagu kala ciyaaro garoommada caadiga iyo xeebta.
Inta uu xilka hayay Eng C/ qaadir Cumar Abuukar, shirarka iyo siminaarada ka kala dhaca adduunka marna kama baaqan xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Laliska.
Eng C/qaadir Allaha u naxariistee waxa uu ahaa shaqsi ku sifoobay howkarnimo iyo daacadnimo, isla markaana uu wax taro dalkiisa iyo dadkiisa.
Xogtaan waxaa isku soo duway
Qabiir Sports Saacid Axmed Abuukar
Astaan Sports