Benjamin Mendy oo magdhow dhaqaale ka doonayo kooxda Man City.
Benjamin Mendy, daaficii hore ee Manchester City, ayaa lagu soo waramayaa inuu kooxda Man City ka doonayo magdhow dhaqaale tan iyo markii la xiray sanadkii 2021
Mendy ayaa lagu eedeeyay lix kiis oo kufsi ah iyo mid kale oo iskuday kufsi ah sanadkii 2021, taasoo keentay in man city ka joojiso mushaaraadkiisa
Manchester City ayaa joojisay bixinta mushaaraadka Benjamin Mendy oo ahaa £100k-isbuucii bishii Sebtembar ee sanadkii 2021-ka.
Mendy ayaa iska fogeeyay todobo dacwadood oo kufsi ah, ee la sheegay inuu kula kacay lix haween ah.
Dacwad oogaha kiiskan Timothy Cray KC ayaa soo bandhigay muuqaal CCTV oo laga soo qaaday bannaanka guriga Mendy iyo mar uu ku sugnaa goobta lagu caweeyo ee Manchester’s Chinawhite. Mendy, waxaa lagu eedeeyay inuu gurigiisa ku kufsaday isla fiidkaas haweeney.
Hase yeeshee Mendy ayaa iska difaacay eedemahaasi isagoo maxkamada ka codsaday iney keenaan cadeemo cad.
Dacwad oogaha kiiskan Timothy Cray wuxuu u sheegay Mendy inuu been sheegayo si uu naftiisa u badbaadiyo,
Hase yeeshee baaritaan dheer kaddib waxaa lagu waayay wax dacwo waxayna maxkamada fasaxday bishii hore ee July 2023.
Kooxda City ayaa sanadkii 2017-kii aduun dhan 52 milyan ginni kala soo wareegatay naadiga Manoco isagoo noqday daafaca ugu qaalisan waqtigaasi, waxaana lagu tilmaamay “mid ka mid ah daafacyada dambe ee ugu fiican Adduunka”.
Benjamin Mendy ayaa mugdi hareeyay mustaqbalkiis kubbadda cagta kaddib markii lagu eedeeyay kufsi iyo faraxumayn sanadkii 2021.
Waxa uu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda Man City bishii Agoosto 2021-kii.
Dhageysiga dacwadda lagu haystay ayaa billaawatay bishii August ee 2021-ka waxaana lasoo gaba-gabeeyay bishii July 2023 ee lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeyn lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay.
Sida laga soo xigtay L’Equipe iyo French Football News Mendy ayaa doonayo in uu dib u soo ceshado mushaharkii laga xayiray tan iyo sanadkii 2021.
Wadahadalo u dhexeeya ciyaaryahanka iyo kooxda heysata horyaalka Premier League ee Man City ayaa durba bilowday oo ku saabsan arrintan iyadoo wadahadaladu ay socdaan waxaana macquul ah in la isku afgarto maadaama lagu waayay wax dambi mendy.
Mendy ayaa hadda helay fursad cusub oo uu ku soo nooleeyo xirfaddiisa isagoo ku biiray kooxda reer France ee Lorient.
Inkasta oo aan la filayn in uu ka qayb qaato kulankooda furitaanka horyaalka Ligue 1 ee ay la ciyaarai doonaan kooxda PSG sababo la xiriiraa habka uu taam ahaanshihiisa u soo kabsanayo, haddana waxa uu go’aansaday in uu hore u socdo uu sii wato hormarkiisa kubbadda cagta.
Astaansports